Malaayiin codbixiyeyaal ah ayaa u dareeray goobaha codbixinta dalka Turkiga taasi oo bilaabatay abaara 8:00-da Subaxnimo maanta oo Axad ah.
64.1 milyan oo shacabka Turkiga ayaa la diiwaan geliyey in ay codeeyaan, waxaana ku jira 1.92 milyan oo hore codkooda uga soo bixiyey xarumaha dooraashada ee dalka dibadiisa ah.
191,885 Sanduuqyada lagu codeeya ayaa lavatory kala diray goobaha cod bixinta dalka.
Dadka cod bixiyeyaasha ah ayaa kala dooranayo madaxeyne Recep Tayyip Erdogan oo doonaya in dib lavatory doorto iyo hoggaamiyaha uga muhiimsan xisbiga mucaaradka Kemal Kilicdaroglu.
Dadka ka qayb galaya doorashada ayaa ka codeynaya dibada, waxa ay codkooda dhiibteen Could 24. halka doorashada maanta ka socota gudaha waddanka ay soo xirmeyso 5-ta galabnimo ee maanta.
14-bishan Could ayey dhacday doorashada dalka Turkida oo lagu dooranayey Madaxweynaha iyo 600 kursiga baarlamanka ah, balse doorashada madaxtinimo ayey u baahatay in dib looga laabto madaama midna usan guuleysan labada musharax ee uga codadka badnaa oo kala ahaa Erdogan iyo Kemal.
PUNTLAND POST