Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta Maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay afar eedeysane oo lavatory haysto kiis musuqmaasuq oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xeer ilaalinta, eedeysanayaasha maxkamadda la soo taagay ayaa kala ah; agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, agaasimaha waaxda ajaanibta ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda, mas’uulkii xafiiska fiiso bixinta ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda iyo maamulihii bangiga dhexe ee laanta garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa eedeysanayaasha u dirtay xasbi ku hayn ku meelgaar ah, si looga gungaaro kiiska lagu eedeynayo, kaddibna maxkmadda lavatory soo gudbiyo eeda lavatory haysto.
PUNTLAND POST