Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad rakaab ah goor dhaweyd shil khasaare geystay ku gashay garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhaawacmay diyaaraddaas rakaabka sidday kadib markii ay ka baxday dhabaha diyaaraduhu kusoo degaan ee garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Diyaaradda oo ay leedahay shirkadda Hala Airline kana soo duushay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sida wararku sheegayaan sidday 30 qof oo rakaab ah.
Baraha bulshada ayaa laga arkayay shaqaalaha gurmadka deg dega ah oo ku sugan goobta diyaaraddu ku dhacday ee garoonka Muqdisho halkaas oo ay ka socotay hawsha samata-bixinta.
Weli faahfaahin sugan lagama helin sababaha keenay shilka diyaaradda waxaana mas’uuliyiinta garoonka laga soo xigtay in baaritaan ku socdo dhacdada.
PUNTLAND POST