Urur siyaasadeedka Mideeye ayaa si rasmi ah u caddeeyay mowqifkiisa ka qayb-galka hannaanka doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland.
Warfare-saxaafadeed ka soo baxay urur siyaasadeedka Mideeye ayuu gebi ahaanba ku qaadacay ka qayb-galka doorashooyinkaas ku salaysan hannaanka xisbiyada badan.
Urur siyaasadeedka Mideeye ayaa sidoo kale cambaareeyay wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurka Puntland waxaana uu madaxweyne Deni iyo Baarlamanka ku eedeeyay sharci-jebin.
Ururka Mideeye ayaa sidoo kale Beesha Caalamka ugu baaqay in aysan qayb ka noqon taageeridda hannaanka doorashooyinka Puntland ee qof iyo cod oo ay ku tilmaameen mid hal dhinac ah.
PUNTLAND POST