MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)nayaa maanta hoyga uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Axmed Buule Gareed.
Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarada arimaha gudaha iyo federaalaynta Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen.
Axmed Madoobe ayaa mas’uuliyiintan ka dhagaystay aragtiyadooda iyo talooyinkooda wax ku oolka ah iyo xaalada Gobolka Gedo sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan ee deegaanka ka jira.
Gedo ayaa waxaa dhawaan ka dhacay isbeddal maamul, kadib markii ay Jubbaland isku ballaarisay guud ahaan gobolkaasi oo tan iyo doorashadii ay ka taagneyd xiisad xoogan.
Associated