MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo saaka aroortii hore ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa oo lavatory adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Ifka Xalane, gaar ahaan xaruntii hore ew Dhul-bixinta oo ay degen yihiin ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta caasimadda ee lavatory yaqaabo Boolis Milataaro.
Ugu yaraan 1 qof ayaa ku dhintay qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen labo kale, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax faahfaahin ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya.