Dowladda Puntland ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay go’aankii xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku sheegtay in ay xannibayso Apps-ka Tiktok, Telegram iyo 1Xbet.
Xukuumadda Puntland ayaa gebi ahaanba ka hortimid in go’aankaas laga dhaqan-geliyo degaannadeeda islamarkaana shirkadaha Isgaarsiinta ku amartay in aysan u hoggaansamin.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay in aysan Puntland waxba ka khusayn go’aanka laga soo saaray Muqdisho.
“Kuma khasbana Shirkadaha Isgaarsiintu in ay fuliyaan mana fulin karaan amarada Magaalada Muqdisho ka soo baxay” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Puntland Eng Maxamuud Caydiid Dirir.
Go’aanka ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu sheegay in la xannibayo Tiktok, Telegram iyo 1Xbet waxaa sidoo kale ka hortimid Somaliland.
Halkan ka daawo muuqaalka
PUNTLAND POST