Abaabulka dagaal ee maalmahan ka socda degmada Oog ayaa ku sii durkaya hurinta colaad beeleed hubaysan.
Wararka ayaa sheegaya in beelaha bariga Burco iyo degmada Caynaba ay maleeshiyaad hubaysan ku daabulayaan degmada Oog si ay weerar ugu qaadaan dhulka SSC-Khaatumo.
Taliska Muuse Biixi oo si ba’an loogu jebiyay dagaalkii Laascaanood ayaa lagu soo warranayaa in uu maalgelinayo colaadda laga dhex abuurayo beelahan deriska ah oo sidoo kale Ceerigaabo wada deggan.
Wararka ayaa intaas ku daraya in shalay iyo saaka boqollaal maleeshiya-beeleed ah lagu soo daabulay Oog iyo nawaaxigeeda kuwaas oo bathroom diyaarinayo in ay weeraraan dhulka SSC.
Dhinaca kale Ciidamada SSC-Khaatumo oo ku sugan Salinta Guumeys ayaa dhankooda laga soo tebinayaa in ay u diyaarsan yihiin difaaca degaankooda.
PUNTLAND POST