BELEDWEYNE (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ah oo goordhow ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Qaraxa oo bathroom adeegsaday baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ka dhacay xaafadda Horseed ee magaaladaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.
Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda ah mid aad u kacsan, waxaana jira dhimasho dhaawac iyo burbur intaba.
Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo isku geedaamay meesha ay wax ka dhaceen.
Beledweyne ayaa ka mid ah magaalooyinka ay ka socdaan abuulka howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.
Associated