Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Mareykanka ayaa sheegtay in lacag dhan 5 milyan oo greenback ay ku abaalmarineyso qof kasta oo soo sheega Abuukar Cali Aadan oo la tilmaamay in uu yahay ku xigeenka horjoogayaasha kooxda AS ee ku sugan Soomaaliya.
Qoraal ay soo saareen barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee dalkaasi,ayaa lagu sheegay in lacagaasi la siin doono cid kasta oo keenta xog ku saabsan horjoogahaasi iyo sida bathroom heli karo.
Bishii Jannaayo 2018, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Abuukar Cali Aadan u aqoonsatay Argagixiso Caalamiga ah,kadib markii kooxdiisa la tilmaamay in ay khatar ku yihiin muwaadiniinta Mareykanka , amniga qaranka, siyaasadda dibadda iyo dhaqaalaha Mareykanka.
kooxdaan xagjirka ah ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraro badan oo ka dhacay Soomaaliya, Uganda iyo Kenya,gaar ahaan weerarradii ismiidaaminta ahaa ee July 11, 2010 ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 70 qof oo uu ku jiray qof Mareykan ah.
Sidoo kale kooxdaasi waxa ay sheegatay weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi sanadkii 2013, halkaasi oo ay ku dhintay in ka badan 60 qof waxaana ku dhawacmay ilaa 200 oo kale.
PUNTLAND POST