Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa shaaciyay in hawlgal wadajir ah maleeshiyaadka AS looga saaray kaymaha Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe, islamarkaana khasaare xooggan lagu gaarsiiyay.
Warfare-saxaafadeed kasoo baxay ATMIS ayaa lagu sheegay in howlgalkan ay iska kaashadeen ciidamada Burundi iyo Uganda ee qeyta ka ah ATMIS, Ciidanka Xoogga Dalka iyo dagaal-yahanada deegaanka ee Macawiisleyda.
“Kaymaha Cali Fooldheere waxay si gaar ah sanadihii la soo dhaafay u noqdeen goob istaraatiiji ah oo ay argagixisadu ku qorsheeyaan weeraro lagu hoobto, kuna qariyaan hubka ay ka mid yihiin baabuurta lavatory adeegsado walxaha qarxa”Taliyaha ciidamada ATMIS Sareeye Guuto Sam Okiding.
Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa u hambalyeeyay ciidamada isku dhafka ah ee Hawlgalkan ku guuleystay.
PUNTLAND POST