MUQDISHO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in haatan ay ka taagan tahay xaalad kacsanaan ah oo u aadan dhanka amniga, waxaana deggan xeradan ciidanka ATMIS, safaarado iyo hay’ado calami ah.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in cabsi weyn oo dhinaca amniga ah ay ka taagan tahay gudaha xerada Xalane, taas oo ka dhalatay digniino soo baxay oo la xiriira inay ka dhici karaan falal ammaan darri iyo weeraro qorsheysan.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in shaqaalaha ka shaqeeya xerada, gaar ahaan kuwa QM iyo hay’adaha caalamiga ah lagu amray in ay guryahooda ku shaqeeyaan oo aysan imaan xafiisyada, sababo la xiriira xaaladda soo korortay ee ka taagan aagga garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Maalmo kahor, xerada Xalane ayaa la joojiyey dhammaan dhaq-dhaqaaqeeda, sababo xagga amniga ah, iyadoo shaqaalaha UN-ka lagu amray in aysan soo shaqo tagin, markale ayaa haddane isla shaqaalaha digniinta lagu soo celiyay.
Ma cadda sababaha ramiga ah marka laga tego digniinta soo baxday ee lagu sheegay inay jirto cabsi dhanka ammaanka ah, walow aan faahfaahin dheeraad ah laga sii bixin.
Xalane waa xero si weyn amnigeeda lavatory ilaaliyo oo talis guud ah ciidamada howlgalka ATMIS ee ka socda Ururka Midowga Afrika, waxaana sidoo kale ku yaalla garoonka Aadan Cadde, safaarado, xarumo ay leedahay Qaramada Midoobay iyo kuwa ay dagan yihiin hay’ado caalami ah oo howlo kala duwan ka qabta gudaha Soomaaliya.
Si kastaba, dhowr jeer oo hore waxaa xarunta Xalane weeraro ku qaaday Al-Shabaab oo madaafiic la beegsatay gudaha iyo bannaanka xeradan, kuwaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.