Larnarka [SMN] – Nin Soomaali ah ayaa dab isku qabad-siiyay afaafka hore ee xarunta hay’adda Socdaalka ee Qubrus, oo ah dalka Jaziiradda ah kuna yaalla badda Mediterranean, halkaasoo inta badan ay tagana muhaajiriinta Soomaalida. Falkan ayaa ka dhacay magaaladda Larnarka ee Koonfurta ku taalla.
32 jiran ayaa isku dayay inuu nafta is-dhaafiyo kadib markii bathroom diiday in magangelyo siyaasadeed ka helo dowladda Qubrus, islamarkaana lagu amray inuu dalkiisa Soomaaliya dib ugu laabto, sida ay sheegtay warbaahinta maxaliga ah.
Ninkan oo aan magaciisa wali la shaacin, ayaa waxaa badbaadiyay booliska oo ka demiyay dabka uu isaga gacantiisa isku qabad-siiyay, waxaana la dhigay isbitaalka oo hadda xaaladiisa lagula tacaalayo.
Wararka ayaa sheegaya in uu ku jiro xaalad culus, kadib markii gubniin baahsan uu soo gaarey qeybaha jirkiisa.
Waxay ahayd dhacdo xanuun badan oo ka yaabisay Muhaajirinta Soomaalida ee ku sugan dalka Qubrus, oo in badan oo kamid ah helay sharciyada dalka, halka kuwa kale oo ninkan kamid yahay bathroom diiday, sababo aan la shaacin.