• Home
  • About Us
  • Contact Us
  • Disclaimer
  • Privacy Policy
  • Terms & Conditions
Tuesday, March 17, 2026
ohhornnews.com
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Health
  • Tech
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Health
  • Tech
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
Morning News
No Result
View All Result
Home Latest News

Sida Itoobiya u Qorshaynayso Inay Seylac u Qabsato – Puntland Submit

admin by admin
October 20, 2023
in Latest News
0
0
SHARES
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter


Abiy Ahmed oo ka fekeraya inuu ku doodo in Itoobiya 2013 Somaliland la gashay heshiis qarsoodi ah si uu u qabsado Seylac.

Muqdisho (Wararka PP) — Dowladda Itoobiya waxay dhowaan shaacisay baahida ay u qabto inay xeeb yeelato. Seddex dal ayaa ku soo dhacay maskaxda dadka dhegeystay khudbad uu Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed jeediyay dhowaan: Soomaaliya, Jabuuti iyo Eritreeya. Seddexda dal Soomaaliya ayaa ugu taagdaran siyaasad iyo  gaashaandhig ahaan. Waa dal ciidammo ka socda Itoobiya ay ku joogaan ujeeddooyin nabad-ilaalineed, ka sokow ciidammadii dowladda Itoobiya u soo dirtay Soomaaliya si ay ula dagaallamaan ururkii Midowgii Maxkamadaha (2006-2009).

Itoobiya waxay indhaha ku haysaa degmada Seyla oo dhowaan meel aan ka fogeyn ay soo dhoobtay ciidaammo aad u tiro-badan, diyaaradaheeda dagaalkuna dhoollatus ku samaynayeen.

Su’aalaha gorfeeyayaashu is weyddiinayaan waxaa ka mid: Maxay cuskan kartaa Itoobiya si ay u qabsato Seylac? Xeeldheere arrimmaha istaraatijiyadda oo ku sugan Muqdisho ayaa u sheegay Puntland Submit in Itoobiya ka baaraandegayso cuskashada laba qoddob midkood:  “1- In ay cuskato sababo amni kaddibna soo weerarto  Seylac. 2- Inay cuskato heshiis qarsoodi ah oo dowladdii EPRDF Somaliland la gashay Itoobiya 2013 kuna saabsanaa in Itoobiya difaaacdo Somaliland haddii la soo weeraro. Xeeldheeruhu wuxuu sheegay “in Itoobiya aad uga fiirsanayso sida labadaas qodob ay iskugu dhafi lahayd si ay Seylac u qabsto oo muddo dheer u joogto ama ugu qanciso Soomaaalida in degmadaas laga kireeyo Itoobiya.”

Madaxweyne Xasan Sheekh weli si cad ugama hadlin dhowrista midnimada dhuleed ee Soomaaliya ka sokow hadallada ka soo yeeray Abiy Ahmed.

Sanadkii 2013 ayuu Ra’iisal Wasaarihii Itoobiya Hailemariam Desalegn sheegay in Itoobiya difaaci doonto Somaliland haddii la soo weeraro, Waxaa jira heshiis qarsoodi ah oo maamulkii Madaxweyne Siilaanyo la saxiixday madaxdii sarsare ee TPLF xillli xiriirka Tigreega iyo dowladda federaalku uu aad u xumaa taageeradii Itoobiya siinaysay hindisihii Jubaland lagu dhisayay oo dowladdii federaalku xilligaas ka biyo-diidday awgiis.

Waxa ugu weyn ay la taliyayaasha Abiy Ahmed rogrogayaan waa sida ay u adeegsan karaan heshiis Somaliland si qarsoodi ah ula gashay ururka TPLF oo uu dagaal dhexmaray ciidaanka difaaca Itoobiya ka hor heshiiskii 2022 lagu soo afjaray dagaalkii Tigray. Abiy Ahmed wuu og yahay in Somaliland ay diiddan tahay  qarannimada Soomaaliya oo ah tan dowladda federaalku cuskan karto haddii dal ka tirsan Midowga Afrika uu qabsado dhul Soomaaliya ka mid ah. Sheegashada Somaliland inay dal gaar ah tahay waa sabab ay Itoobiya ku soo weerari karto Seylac iyadoo ku doodaysa in dadka degmada deggani ay taageersan yihiin weerarka maadaama maamulka dhulka ka arrimiya diiddan yahay midnimada dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya. Himiladii Haile Sellassie oo ahayd in Waqooyiga (dhulkii lavatory yiqiin  British Somaliland ka hor 26 Juunyo 1960) ka mid noqdo Itoobiya  inay rumoobi karto ayay qabaan la taliyayaasha  Abiy Ahmed.

Axmed Ciise Cawad oo 2018 ahaa Wasiirka Arrimmaha Dibedda ee Soomaaliya wuxuu ugu baaqay Imaaraadka inay dhowrto qarannimada Soomaaliya.

Dowladda maamulka Somaliland might ka hadlin hadalka Abiy Ahmed ku saabsan in Itoobiya xeeb u baahan tahay. Sanandkii 2018 Wasiirkii Arrimmaha Dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Reuters u soo sheegay in dowladda Imaaraadka  looga baahanyahay inay dhowrto qarannimada Soomaaliya. “Waxaannu u sheegaynaa DP World inay ka fiirsato heshiisyada gaar ahaan kan ku saabsan Dekedda Berbera maadaama Somaliland sheeganayso inay dal madaxbannaan tahay” ayuu yiri Cawad. Barlamaankii Soomaaliya ee dowladdii hore ayaa sidoo kale diiday heshiiskii dhexmaray DP World iyo Somaliland, heshiiskaas oo dalka Itoobiya saami ka siinayay Dekedda Berbera. Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Cabraxmaan Cirro oo keliya ayaa si toos ah uga hor yimid heshiiskaas. “Heshiisyada Somaliland la gashay Imaaraadka waxaa ka muuqda madmadow iyadoon dadka si cad loogu soo bandhigin heshiisyadaas” ayuu Cirro yiri Maarso 2018.

Maalinba maalinta ka dambaysa waxaa caddaanaysa in qarannimadu tahay asaaska difaaca danaha qaran leeyahay ka sokow  wax kasta oo dadka dalkaas isku maandhaafsan yihiin siyaasad ahaan. 32 sano kaddib markii Somaliland ku dhawaaqday  goonni-isu-taag aan sharci ahayn waxay Hargeysa ku baraaarugtay u nuglaanta in Itoobiya qabsato Seylac.

© Puntland Submit, 2023

READ ALSO

Pope Leo XIV to obtain Liberty Medal from Rome July 3

Laftagareen oo xayiraad saaray saraakiisha iyo mas’uuliyiinta Federaalka ee ku sugan Baydhabo – Puntland Publish





Source_link

Tags: inayItoobiyaPostPuntlandQabsatoQorshaynaysoSeylacSida

Related Posts

Pope Leo XIV to obtain Liberty Medal from Rome July 3
Latest News

Pope Leo XIV to obtain Liberty Medal from Rome July 3

March 16, 2026
Laftagareen oo xayiraad saaray saraakiisha iyo mas’uuliyiinta Federaalka ee ku sugan Baydhabo – Puntland Publish
Latest News

Laftagareen oo xayiraad saaray saraakiisha iyo mas’uuliyiinta Federaalka ee ku sugan Baydhabo – Puntland Publish

March 16, 2026
Somali Nationwide Military Troopers Donate Wheelchair to Younger Lady With Particular Wants – Somali Nationwide Information Company
Latest News

Somali Nationwide Military Troopers Donate Wheelchair to Younger Lady With Particular Wants – Somali Nationwide Information Company

March 16, 2026
Web outage hits Congo-Brazzaville throughout presidential vote
Latest News

Web outage hits Congo-Brazzaville throughout presidential vote

March 16, 2026
Rift between Somalia’s president and Southwest state chief erupts into violence
Latest News

Rift between Somalia’s president and Southwest state chief erupts into violence

March 16, 2026
Snow, wind sweep US; storms and tornadoes attainable later Sunday
Latest News

Snow, wind sweep US; storms and tornadoes attainable later Sunday

March 16, 2026

POPULAR NEWS

Gorilla at Cincinnati Zoo who underwent breakthrough medical remedy welcomes first child

Gorilla at Cincinnati Zoo who underwent breakthrough medical remedy welcomes first child

September 22, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Gorgor – Puntland Put up

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Gorgor – Puntland Put up

September 13, 2023
Somali Authorities Gears Up for Nationwide Day Celebrations

Somali Authorities Gears Up for Nationwide Day Celebrations

June 19, 2024
Haddii Muqdisho Aysan U Qalmin Caasimad Ma Jirto Magaalo Kale oo Qalanta – Puntland Publish

Haddii Muqdisho Aysan U Qalmin Caasimad Ma Jirto Magaalo Kale oo Qalanta – Puntland Publish

February 9, 2025
Wargeyska The Occasions oo wax ka qoray dagaalka Puntland kula jirto Daacish  – Puntland Put up

Wargeyska The Occasions oo wax ka qoray dagaalka Puntland kula jirto Daacish  – Puntland Put up

December 2, 2025

About Us

Welcome to Ohhornnews The goal of Ohhornnews is to give you the absolute best news sources for any topic! Our topics are carefully curated and constantly updated as we know the web moves fast so we try to as well.

Categories

  • Business
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Tech
  • Travel

Recent Posts

  • Pope Leo XIV to obtain Liberty Medal from Rome July 3
  • Laftagareen oo xayiraad saaray saraakiisha iyo mas’uuliyiinta Federaalka ee ku sugan Baydhabo – Puntland Publish
  • Somali Nationwide Military Troopers Donate Wheelchair to Younger Lady With Particular Wants – Somali Nationwide Information Company
  • Home
  • About Us
  • Contact Us
  • Disclaimer
  • Privacy Policy
  • Terms & Conditions

Copyright © 2023 Ohhornnews.com | All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Health
  • Tech
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop

Copyright © 2023 Ohhornnews.com | All Rights Reserved.