Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa markii ugu horreysay muddo sannad ah si fool-ka-fool ah ula kulmi doona Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping Arbacada soo socota, sida uu shaaciyay Aqalka Cad.
Kulankan oo si dhow isha loogu wada hayo, ayaa dhici doona inta uu socdo shir-madaxeedka Iskaashiga Dhaqaalaha APEC) oo furmay magaalada San Francisco Bay, wuxuu socon karaa saacado, kaas oo sidoo kale ay ka qeybgali doonaan saraakiil iyo mas’uuliyiin ka kala socda Beijing iyo Washington.
Waxaa la filayaa inay ka hadlaan arrimaha caalamiga ah oo ay ugu horreyso dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, duulaanka Ruushka ee Ukraine, xiriirka North Korea iyo Ruushka, arrinta Taiwan iyo guud ahaan gobolka Indo-Pacific, xuquuqda aadanaha, darooga fentanyl-ka, sirdoonka macmalka ah, iyo sidoo kale ganacsi ku dhisan caddalad, sida uu sheegay saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Biden.
Saraakiisha Maraykanka, oo muddo sannad ah riixayay in shirkan la qabto, ayaa aaminsan in Beijing ay si firfircoon uga shaqaynayso sidii ay u wiiqi lahayd siyaasadda Maraykanka ee caalamka.