Xabbad-joojin afar maalmood ah oo ay ku heshiiyeen Xamaas iyo Israa’iil ayaa Gaza ka dhaqan gashay markii ugu horreysay toddoba isbuuc oo ay socdeen dagaal lagu hoobtay.
39 maxbuus falastiiniyiin ah oo ku xiran jeelasha Y.H iyo 13 maxaabiis ah oo ku xiran Gaza ayaa la filayaa in la sii daayo saacadaha soo socda, iyada oo sidoo kale baabuurta gargaarka ay u gudbeen Gaza.
Waxaa lagu wadaa in qeybta ugu horeysa la isweydaarsado 50 maxbuus iyo 150 Falastiin ah,iyadoo tirada liiska maxaabiista ee ay soo gudbiyeen Xamaas ay gaarayaan 300 oo ruux.
Dowladda Qatar ayaa garwadeen ka ah heshiiska xabad-joojinta iyo isdhaafsiga maxaabiista ee Israa’iil iyo Falastiin oo manta la gudagalayo.
In ka badan 14,800 oo qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo Oktoobar 7. Israa’iil, tirada rasmiga ah ee dhimashada weerarrada Xamaas waxay maraysaa qiyaastii 1,200.
PUNTLAND POST