Madaxweyne Siciid Deni ayaa Caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay in doorashada Puntland uu ku qabanayo wakhtigeeda islamarkaana lagu galayo sidii hore ee 66 xildhibaan.
Madaxweyne Deni oo hadal kooban ka jeediyay Xarunta Madaxtooyada ayaa shaaciyay in doorashada lagu qabanayo 8 jannaayo 2024 laguna galayo nidaamkii hore ee 66 ee lagu doortay isaga.
“Waxaan rabaa anoo u turaya Mustaqbalka Puntland in aan halkaan uga dhawaaqo in doorashadu ku dhacdo 8 Jan lagu doorto nidaamkii qabaliga ahaa ee 66 xildhibaan” ayuu yiri Siciid Deni.
Dhinaca kale xisbiyada siyaasadda Puntland ee taageersanaa in doorashada lagu qabto hannaanka qof iyo cod ayaa sheegay in ay u tanaasuleen xasiloonida iyo nabadda Puntland waxaana ay taageereen doorasho ku dhacda 66xil.
Halkan ka daawo go’aanka Madaxweynaha
PUNTLAND POST