Guddoomiyaha golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa bayaan ka soo saaray wixii ka dhacay xarunta Baarlamanka.
Guddoomiye Cabdirashiid ayaa sheegay in ciidamo si toos ah uga amar-qaata Madaxweyne Deni ay la wareegeen xarunta golaha kuwaas oo is hor taag ku sameeyay shaqa-maalmeedkii Baarlamanka.
Madaxweyne Deni ayuu sidoo kale ugu baaqay in uu ciidamada ka qaado xarunta golaha Wakiilada oo uu ixtiraamo dastuurka iyo shuruucda u degsan Puntland.
Guddoomiye Cabdirashiid Abwaan ayaa sidoo kale ka digay in ay sii socoto xiisadda ka taagan xarunta Baarlamanka si aysan u sababin qalalaase Amni.
Halkaan ka akhriso bayaanka
PUNTLAND POST