BAYDHABO (SMN) – Taliska ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan qaybta 60-aad ee ka howlgasha Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay.
Ninka kasoo goostay Al-Shabaab ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Soomow Ibraahim iidow oo bathroom yaqaano (Macallin Soomow), wuxuuna qaabilsanaa dhanka jabhadda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.
Halkan hoose ka akhriso warsaxaafadeedka:-
Soomow Ibraahim iidow oo Magac afgarashada Khawariijta bathroom yaqaano (Macallin Soomow) ayaa saaka Isku soo dhiibey Taliska Guutada 8-aad Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Soomow oo Muddo 5-Sano ah ka tirsanaa khawariijta ayaa u qaabilsanaa waxa ay u yaqaanaan Jabhadaha.
Mar uu ka hadlayay waxa ku Sababay in khawarijta uu ka soo baxo,wuxuuna sheegey in dhibaatada ka jirta dhexdooda iyo midda ay u geystaan Shacabka Soomaaliyeed darted uu uga soo baxay.