• Home
  • About Us
  • Contact Us
  • Disclaimer
  • Privacy Policy
  • Terms & Conditions
Thursday, September 10, 2026
ohhornnews.com
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Health
  • Tech
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Health
  • Tech
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
Morning News
No Result
View All Result
Home Latest News

Soomaaliya oo ka dalbatay Caalamka in lagu garab istaago difaaca Baddeeda – Puntland Submit

admin by admin
January 2, 2024
in Latest News
0
0
SHARES
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter


2 Janaayo, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyey kulan degdeg ah oo ay Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) ku yeesheen Muqdishu Janaayo 3, 2024. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdishu Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale). 

Ujeeddada kulanka deg degga ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ah in Goluhu uu jawaab ka bixiyo  heshiiska is-afgaradka lagu sheegay ee dhexmaray maamulka Soomaaliland iyo Dawladda Itoobiya oo xadgudub ku ah gobannimada Soomaaliya. 

Golahu Wadatashaga Qaran markuu arkey:

1.Dastuurka Soomaaliya qodobadiisa xeerinaya gobannimada, midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo awoodda Xukuumadda Federaalka ee gelista heshiisyo caalami ah iyo u hoggaansanaanta heerarka dawladda ee Dastuurka Soomaaliya.
2.Axdiyada Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo IGAD oo dhammaantood waajibinaya inaan lagu xadgudbi karin madaxbaannaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee dalalka ka tirsan.

Wuxuu soo saaray qodobadaan:

1.Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu si cad uga soo horjeedaa xadgudubka Itoobiya ee gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

2.Goluhu wuxuu si buuxda u ayidayaa mowqifka iyo qaraarka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay arrinkan ka qaadatey iyo xeerka uu soo saarey BFS ee Burinta waxa lagu tilmaamay Is-Af-garad dhexmaray Maamulka Soomaaliland iyo Dowladda Itoobiya.

3.Goluhu wuxuu Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si buuxda ugu garabsiinayaa gudashada waajibaadkeeda Dastuuriga ah ee ku aaddan ilaalinta, dhowrista gobnimada, sharafka iyo midnimada dhuleed iyo dadeed ee dalkeena.

4.Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan (dal iyo dibadba) oo ay ugu horreeyaan dadka reer Soomaaliland in ay u midoobaan dhowrista gobnimada, madaxbannaanida iyo midnimada qaranimada Soomaaliyeed
.
5.Ugu dambeyn, Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka IGAD, EAC iyo saaxiibbada kale ee caalamka inay garab istaagaan xaqqa Soomaaliya ee ilaalinta gobnimada iyo midnimadeeda dhuleed si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.





Source_link

READ ALSO

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka Qayb Gashay Kulanka Jaamacadda Carabta

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyey laba heshiis oo ay la gashay Mauritania

Tags: BaddeedaCaalamkadalbataydifaacagarabistaagolaguPostPuntlandSoomaaliya

Related Posts

Latest News

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka Qayb Gashay Kulanka Jaamacadda Carabta

September 8, 2026
Latest News

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyey laba heshiis oo ay la gashay Mauritania

August 27, 2026
Latest News

Ciidanka Danab oo Beegsaday Fariisimo Al-Shabaab ku Leedahay Baay, Xubin Is Dhiibtay

August 23, 2026
Latest News

Maxaa looga hadlay Shirka Gollaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya?

August 21, 2026
Latest News

Midowga Culimada Soomaaliyeed oo Dowladda Ugu Baaqay Joojinta Duminta Guryaha iyo Dhulalka

August 20, 2026
Latest News

Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeeray ciidanka Danab ee Gaalkacyo

August 18, 2026

POPULAR NEWS

Senior Somali Ministers Have interaction with Residents at Daljirka Dahsoon Forward of Independence and Unity Day Celebrations – Somali Nationwide Information Company

Senior Somali Ministers Have interaction with Residents at Daljirka Dahsoon Forward of Independence and Unity Day Celebrations – Somali Nationwide Information Company

June 24, 2025
Gorilla at Cincinnati Zoo who underwent breakthrough medical remedy welcomes first child

Gorilla at Cincinnati Zoo who underwent breakthrough medical remedy welcomes first child

September 22, 2025
Somali Authorities Gears Up for Nationwide Day Celebrations

Somali Authorities Gears Up for Nationwide Day Celebrations

June 19, 2024
2–4+ inches of snow falls in a single day, morning commute impacted

2–4+ inches of snow falls in a single day, morning commute impacted

December 2, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Gorgor – Puntland Put up

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Gorgor – Puntland Put up

September 13, 2023

About Us

Welcome to Ohhornnews The goal of Ohhornnews is to give you the absolute best news sources for any topic! Our topics are carefully curated and constantly updated as we know the web moves fast so we try to as well.

Categories

  • Business
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Tech
  • Travel

Recent Posts

  • Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka Qayb Gashay Kulanka Jaamacadda Carabta
  • Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyey laba heshiis oo ay la gashay Mauritania
  • Ciidanka Danab oo Beegsaday Fariisimo Al-Shabaab ku Leedahay Baay, Xubin Is Dhiibtay
  • Home
  • About Us
  • Contact Us
  • Disclaimer
  • Privacy Policy
  • Terms & Conditions

Copyright © 2023 Ohhornnews.com | All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Health
  • Tech
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop

Copyright © 2023 Ohhornnews.com | All Rights Reserved.