MUQDISHO (SMN) – Golaha Wasiirrada XJFS ayaa maanta ansixiyay Axdiga Qaramada Midoobay ee La-Dagaallanka Danbiyada Abaabulan iyo Habraacyada ku lifaaqan.
Axdigan waxaa la saxeexay sanadkii 2000 wuxuna dhaqangalay 2003., waxaana xubno saxeexayaal ka ah 193 dal. Dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay waxaa kali ah ee aan wali saxeexin 6 dal oo ay 3 jasiirado yihiin Saddexda kalana Soomaaliya, Koongo-Baraasafiil, iyo Iiraan.
Marka Golaha Shacabku ansixiyo, Madaxweynuhuna saxeexo Soomaaliya waxa ay ka mid noqon doontaa aqlabiyadda aduunka ee ku heshiisay la-Dagaallanka danbiyada abaabulan.
Axdigani oo bathroom yaqaanno UNTOC wuxuu ka koobanyahay 41 qodob, Waxaana weheliya saddex habraac (protocol). Hadafka axdigani waa la dagaallanka danbiyada abaabulan ee ka gudba soohdimaha, sida musuqmaasuqa, ka qeyb-qaadashada ururro danbiilayaal ah, carqaladaynta caddaaladda, lacag dhiqidda iyo danbiyo kale.
Waxaa kale oo uu abuurayaa qaab ay dalalka aduunku iskula wadagaan xogta danbiyadaas la xiriirta, ugana wadashaqeeyaan la dagaallankooda. Sida in la isku gudbiyo danbiilayaasha iyo eedaysanayaasha, in baaritaan wadajir ah la sameeyo iyo in la soo celin karo hanti si sharci darro ah dalka looga dhacay oo dalal kale lala tegay.
Maadaama aan nahay dal ka soo kabanaya colaado iyo caddaalad darro, dhisayana dowlad casri ah, caddaalad leh oo sharcigu sarreeyo waxa lamahuraan ah in aan horumarinno xeerarkeenna ka hortagaya, lana dagaallamaya danbiyada abaabulan. Si gaar ah dalkeennu wuxu la tacaalayaa danbiyo abaabulan oo ay ugu horreeyaan falalka argagixiso, lacag dhiqista iyo tahriibinta dadka iyo agabka.
Axdigan in aan ku biirno waxa ay caddayn u tahay heerka uu gaarsiisan yahay iyo inta ay naga go’antahay in sharcigu sarreeyo iyo sida Soomaaliya diyaar ugu tahay in ay dunida kala shaqayso la-dagaallanka danbiyada abaabulan, una kaashato khibradaha dalalka kale iyo haayadaha caalamiga ah ee aan xubinta ka nahay ka hortagga iyo la-dagaallanka danbiyada abaabulan ee dalkeenna lagula soo dhuuman karo.
Axdigani waxuuu noo suuragalinayaa in aan kobcino kartida haayadeheenna caddaaladeed, waxa kale oo uu keensanayaa in aan horumarinno xeerarkeenna khuseeya danbiyada ku xusan axdiga. Waxa ay Soomaaliya caddaynaysaa marka ay dhaqangeliso axdigan in ayna gabbaad u noqon doonin danbiilayaal, sidaas si lamid ahna waxa ay Soomaaliya awooddi doontaa in ay gacanta caddaaladda la gaaryo goob kasta oo loola baxsado hanti qarankan laga dhacay.
Ansixinta Axdigani waxa uu ku soo beegmay xilli ay Soomaaliya laga qaaday cunaqabteyntii hubka, taas oo xaqiijinteeda bathroom maray waddo dheer oo dejinta xeerar badani ka mid ahaayeen, astaanna u ahayd in adduunku dowladdeena uga marag kacay kartida ay u leedahay maamulka iyo xakamaynta hubka iyo hirgelinta sarraynta sharciga.
Ansixinta Axdigan iyo xeerarka kale ee aan unki doonno ayaan ku adkeynaynaa kalsoonidaas qarankeennu ka kasbaday adduunka, si aan u dhisno Soomaaliya ka caagan danbiyada abaabulan ee soohdimaha ka gudba una furan ganacsiga caalamka iyo horumarka.