Xukuumadda Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqday in laga wada-hadlo arrimaha masiiriga ah ee dalka lana hakiyo tallaabooyinka socda inta la isaga imaanayo.
Battle-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa loogu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in laga wada-hadlo arrimaha masiiriga ah ee Federaaleynta iyo dhammaystirka dastuurka.
Puntland ayaa u soo jeedisay dowladda Federaalka ah in ay hakiso dhammaan tallaabooyinka socda inta la isaga imaanayo oo wada-hadal laga yeelanayo arrimaha masiiriga ah ee dalka.
Xukuumadda madaxweyne Deni ayaa dhinaca kale shacabka Puntland ugu baaqday in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo nabadda degaannada Puntland.
PUNTLAND POST