Dowladda Maraykanka ayaa si buuxda u soo dhaweysay shirka Madaxda Urur Goboleedka IGAD dhawaan uga furmaya dalka Uganda kaasi oo looga hadli doono xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Afrika ee Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, laguna baahiyay barta X ee horay loogu yaqiinnay Twitter ayaa lagu soo dhaweeyay Shirka IGAD.
“Waxaan soo dhaweyneynaa shir madaxeedka IGAD ee 18-ka Jannaayo ee looga hadlayo xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo xaaladda Suudaan” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Maraykanka.
“Maraykanku waxa uu taageerayaa, madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyo baaqii Guddoomiyaha Guddiga Midowga Africa Moussa Faki ee ahaa, in la qaboojiyo colaadda Sudan” ayuu sii raaciyay Qoraalkaasi.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Guddoomiyaha xilligan ee Urur Goboleedka IGAD ayaa ku baaqay shirkan aanan caadiga aheyn ee madaxda ururkaasi.
PUNTLAND POST