Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa saaka Baarlamanka ka dalbaday in ay mudda 45 cisho ah ugu daraan wakhtiga uu ku soo dhisayo xukuumadda cusub.
Warqad codsi ah uu saaka Siciid Deni u qoray guddoonka Baarlamanka ayuu kaga dalbaday in ay siiyaan wakhti kordhin 45 cisho sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uu dhawaan safar dalxiis ah ugu baxayo dalka dibaddiisa sidaas darteedna u dalbaday in la siiyo wakhti kordhin.
Dhinaca kale Baarlamanka Puntland weli kama soo jawaabin codsiga uga yimid Siciid Deni ee uu ku dalbanayo in bathroom kordhiyo wakhtiga uu ku soo dhisayo xukuumadda.
PUNTLAND POST