• Home
  • About Us
  • Contact Us
  • Disclaimer
  • Privacy Policy
  • Terms & Conditions
Saturday, June 21, 2025
ohhornnews.com
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Health
  • Tech
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Health
  • Tech
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
Morning News
No Result
View All Result
Home Latest News

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo oo mar kale digniin adag ka soo saaray Wax ka beddelka Dastuurka dalka – Puntland Publish

admin by admin
March 29, 2024
in Latest News
0
0
SHARES
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter


Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay Natiijada la sii ogyahay ee ay qorsheeyeen Madaxtooyada iyo Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay ka soo baxdo fadhiga Labada Aqal ee lavatory ballansan yahay maalinta Sabtida ah  30ka Maarso 2024, ay tahay mid sii cadayneysa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uusan danaynaynin wada jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, oo uu kashaqaynayo oo kaliya dano u gaar ah..

“Qorshaha haatan socda ee Madaxweynuhu uu ku doonayo in uu kula wareego awoodaha Baarlamaanka iyo Guddoonka Labada Aqal ee la xisaabtan la’aanta xukuumadda, doorka hoggaamineed ee Ra’iisul-Wasaarah iyo hannaanka doorashooyinka, gaar ahaan masuuliyadaha heer xukuumadeed iyo heer dowlad-goboleed ee soo xulista Guddiga Doorashooyinka waa mid caddeyn u ah nooca dastuurka iyo doorashooyinka uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud” ayuu yiri Farmaajo.

Waxaa uu sidoo kale nasiib darro ku tilmaamay in Madaxweyne Xasan uu dhagaha ka furaysto tallooyinkii iyo dadaalladii lagu saxayey hannaanka lavatory marayo dib u eegista Dastuurka iyo in heshiis siyaasadeed laga gaaro qodobbada masiiriga ah, si dalku uu u yeesho dastuur heshiis lagu yahay.

Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayuu sidoo kale sheegay in ay qaadeen jid halis ku ah sharciyadda iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, sidaas awgeed waxa uu ugu baaqay in ay ka waantoobaan, kuna soo celiyaan Golaha shaqada ay wakiilka uga yihiin shacabka Soomaaliyeed ee ah ilaalinta sharciga iyo midnimada dalka.

“Dastuurkan la rabo in lagu meel mariyo hanaan sharci darro ah, oo aanan haysanin aqbalaad bulsho, iyo heshiis umadeed, marnaba uma aqoon doonno dastuur leh sharciyad iyo dhaqangal, maadama uusan ka turjumeynin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo qodobbadii tiir-dhexaadka u ahaa dib u heshiisiintii siyaasadeed ee ummadda Soomaaliyeed, sida awood qaybsiga”.

“Go’aan kasta oo baalmarsan xeer hoosaadka Baarlamaanka, heshiiska siyaasadeed ee Madasha Qaranka oo markii horeba ay ka maqnayd Puntland iyo habraac si fowda ah loogu codeeyey oo aan heshiiska lagu aheyn ee Guddoonka Baarlamaanku ay ku doonayaan in ay ku meel mariyaan hindisaha halka dhinac ah ee dastuurka, waxa uu noqonayaa mid aan sharciyad haysanin”.

“Haddii Madaxtooyadu ay ku sii dhago adeygto qorshahan halista ku ah qarannimada Soomaaliyeed waxaa muhiim ah in la isugu yimaado shir wadatashi oo ay ka soo qeyb-galayaan masuuliyiinta iyo daneeyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliyeed, kaas oo lagu ilaalinayo dowladnimada iyo midnimada dalkeenna iyo dadkeena” ayuu Hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne hore Farmaajo.

PUNTLAND POST





Source_link

READ ALSO

Somali Military Seizes Key Cities from Al-Shabaab in Southern Somalia

Cardinals have 5-run eighth to beat Reds 6-1

Tags: adagbeddelkadalkaDastuurkadigniinFarmaajohorekaleMadaxweynihiimarPostPuntlandsaaraysooSoomaaliyawax

Related Posts

Somali Military Seizes Key Cities from Al-Shabaab in Southern Somalia
Latest News

Somali Military Seizes Key Cities from Al-Shabaab in Southern Somalia

June 21, 2025
Cardinals have 5-run eighth to beat Reds 6-1
Latest News

Cardinals have 5-run eighth to beat Reds 6-1

June 21, 2025
Lawsuit, non permanent restraining order limiting what Carlisle farm can promote
Latest News

Lawsuit, non permanent restraining order limiting what Carlisle farm can promote

June 21, 2025
Madaxweyne Deni oo qorshaynaya in uu shaqada ka eryo wasiiro, agaasimayaal iyo mas’uuliyiin kale – Puntland Publish
Latest News

Madaxweyne Deni oo qorshaynaya in uu shaqada ka eryo wasiiro, agaasimayaal iyo mas’uuliyiin kale – Puntland Publish

June 21, 2025
Somali FM Reaches Türkiye for OIC Overseas Ministers Assembly – Somali Nationwide Information Company
Latest News

Somali FM Reaches Türkiye for OIC Overseas Ministers Assembly – Somali Nationwide Information Company

June 20, 2025
Ethiopian PM Meets AFRICOM Commander Amid Rising Regional Safety Considerations
Latest News

Ethiopian PM Meets AFRICOM Commander Amid Rising Regional Safety Considerations

June 20, 2025

POPULAR NEWS

Frank Islam, Influential US Enterprise Chief, Hosts Unique Dinner for Rahul Gandhi

Frank Islam, Influential US Enterprise Chief, Hosts Unique Dinner for Rahul Gandhi

June 2, 2023
Somali Elite Commandos and Jubbaland Forces Thwart Al-Shabaab Landmine Plot, Neutralizing Terrorists – Somali Nationwide Information Company

Somali Elite Commandos and Jubbaland Forces Thwart Al-Shabaab Landmine Plot, Neutralizing Terrorists – Somali Nationwide Information Company

August 4, 2023
I Was a Refugee. Now I Drive a Truck to Obtain My American Dream.

I Was a Refugee. Now I Drive a Truck to Obtain My American Dream.

June 14, 2023
Almost 32,000 are nonetheless working whereas driving via I-71/75

Almost 32,000 are nonetheless working whereas driving via I-71/75

February 16, 2024
10 killed as preventing between disciplined forces intensifies in Somalia

10 killed as preventing between disciplined forces intensifies in Somalia

June 14, 2023

About Us

Welcome to Ohhornnews The goal of Ohhornnews is to give you the absolute best news sources for any topic! Our topics are carefully curated and constantly updated as we know the web moves fast so we try to as well.

Categories

  • Business
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Tech
  • Travel

Recent Posts

  • Somali Military Seizes Key Cities from Al-Shabaab in Southern Somalia
  • Cardinals have 5-run eighth to beat Reds 6-1
  • Lawsuit, non permanent restraining order limiting what Carlisle farm can promote
  • Home
  • About Us
  • Contact Us
  • Disclaimer
  • Privacy Policy
  • Terms & Conditions

Copyright © 2023 Ohhornnews.com | All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Health
  • Tech
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop

Copyright © 2023 Ohhornnews.com | All Rights Reserved.