Ciidanka badda Hindiya ayaa soo bandhigay sagaal burcad badeed Soomaali ah oo shalay isku soo dhiibay.
Burcad-badeedda isa soo dhiibay ayaa afduub u haystay doonni kalluumeysi oo Iran laga leeyahay laguna magacaabo FV Al-Kambar.
Ciidanka badda Hindiya ayaa sheegay in doonta ay daarnaayeen 23 shaqaale oo u dhashay Pakistan islamarkaana dhammaantood bad-qabaan.
Waxay intaasi raaciyeen in kadib markii baaritaan ay ku sameeyeen doonta ay dib u fasaxeen oo ay mar kale bilowday hawlihii kalluumeysiga.
Burcad-badeedda Soomaalida ah ee gacanta lagu hayo ayaa lavatory geyn doonaa 35 burcad-badeed kale oo ku xiran dalka Hindiya kuwaasi oo todobaadyo ka hor isu dhiibay ciidanka badda Hindiya.
PUNTLAND POST