• Home
  • About Us
  • Contact Us
  • Disclaimer
  • Privacy Policy
  • Terms & Conditions
Friday, June 13, 2025
ohhornnews.com
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Health
  • Tech
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Health
  • Tech
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
Morning News
No Result
View All Result
Home Latest News

Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi – Puntland Publish

admin by admin
April 8, 2024
in Latest News
0
0
SHARES
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter


Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gabagabeeyay booqasho rasmi ah oo uu ku tagay Boqortooyada Sucuudi Carabiya kadib martiqaad uu u fidiyey Boqorka Sucuudiga Mudane Salmaan Binu Cabdicasiis.  Labada dowladood oo yeeshay wada-hadalo ku saabsan iskaashiga labo-geesoodka ah ee labada dal ayaa laga soo saaray Warfare-Murtiyeedkan:

1. Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Ganacsiga;
Labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Sucuudiga waxay adkeeyeen kobcinta isdhaafsiga dhaqaalaha iyo maalgashiga, gaar ahaan Beeraha, Xoolaha, Khayraadka Badda, Dekadaha iyo isu-socodka, iyagoo bogaadiyey kororka ku yimid isdhaafsiga ganacsiga Labada dal oo sannadkii 2022-kii oo ka batay 105% inta uu joogay sannadkii 2021-kii.

2.  Difaaca iyo Amniga;
Dowladda Boqortooyada Sucuudigu waxay muujisay in ay garab taagan tahay howlgallada dowladda Soomaaliya ay dalka kaga xoreynayso argagixisada, waxayna ugu baaqday beesha caalamka in lagu garab istaago Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada kaas oo ay ka soo hooyeen guulo la taaban karo, sidoo kale Sucuudigu waxay soo dhaweeyeen qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee cunaqabataynta hubka lagaga qaaday Soomaaliya, kaas oo fududaynaya dib u dhiska iyo qalabaynta Ciidamada Soomaaliyeed.

3. Madaxbannaanida Soomaaliya;

Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxay cadeysay sida ay u garab taagan tahay midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo tilmaamay gafka iyo dhibaatada heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la saxiixatay Maamulka Soomaaliland, kaas oo caqabad ku ah daris-wanaagga iyo xasilloonida Gobolka.

4. Tamarta, Shidaalka iyo Isbeddelka Cimilada;
Labada Dowladood waxay isla qaateen in  ay ka yeeshaan iskaashi dhow, iyadoo dowladda Soomaaliya ay ku ammaanatay Boqortooyada Sucuudiga doorka hoggaamineed ee ay ka qaadanayso isu-dheelli-tirka suuqa caalamiga ah ee shidaalka iyo hiigsiyada ku aaddan Bariga Dhexe oo cagaar ah, kaas oo lagu wajahayo saameynta isbeddelka cimilada.

5. Boqortooyada Sucuudigu waxay bogaadiyeen horumarka dowlada ay ku tallaabsatay, gaar ahaan deyn cafinta oo ku timid hufnaanta maaliyadeed iyo dib u habayn dhaqaale oo ay sameysay dowladda Soomaaliya, waxayna muujiyeen Boqortooyadu muhiimadda cafinta deynta oo horseedaysa in lagu kalsoonaado, lalana falgalo hay’adaha maaliyadda Soomaaliya.

6. Labada dowladood waxay ku heshiiyeen in la xoojiyo iskaashiga ku aaddan arrimaha tamarta iyo korontada, dalagyada iyo dawada beeraha, duulimaadyada tooska ah, isgaarsiinta iyo tiknaloojiyada, nidaamka cadaaladda iyo garsoorka, waxbarashada, ciyaaraha iyo guud ahaan arrimaha bulshada.





Source_link

READ ALSO

Madaxweyne Deni oo ku maqan dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu maanta dib ugu laabto Garoowe – Puntland Submit

Three Somali Fishermen Rescued After Months Misplaced at Sea, Welcomed Residence in Mogadishu – Somali Nationwide Information Company

Tags: heshiisiskaashiiyokalaPostPuntlandsaxiixdaySoomaaliyaSucuudiga

Related Posts

Madaxweyne Deni oo ku maqan dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu maanta dib ugu laabto Garoowe – Puntland Submit
Latest News

Madaxweyne Deni oo ku maqan dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu maanta dib ugu laabto Garoowe – Puntland Submit

June 13, 2025
Three Somali Fishermen Rescued After Months Misplaced at Sea, Welcomed Residence in Mogadishu – Somali Nationwide Information Company
Latest News

Three Somali Fishermen Rescued After Months Misplaced at Sea, Welcomed Residence in Mogadishu – Somali Nationwide Information Company

June 13, 2025
Dowladda Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Hindiya Kadib Shil Diyaaradeed oo Ka Dhacay Ahmedabad
Latest News

Dowladda Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Hindiya Kadib Shil Diyaaradeed oo Ka Dhacay Ahmedabad

June 13, 2025
Somalia’s president inspects Turkish oil exploration vessel following profitable survey 
Latest News

Somalia’s president inspects Turkish oil exploration vessel following profitable survey 

June 12, 2025
Chicago to have fun Pope Leo XIV with mass at White Sox Stadium on Saturdasy
Latest News

Chicago to have fun Pope Leo XIV with mass at White Sox Stadium on Saturdasy

June 12, 2025
2 our bodies discovered on lacking fishing boat off Cape Cod
Latest News

2 our bodies discovered on lacking fishing boat off Cape Cod

June 12, 2025

POPULAR NEWS

Frank Islam, Influential US Enterprise Chief, Hosts Unique Dinner for Rahul Gandhi

Frank Islam, Influential US Enterprise Chief, Hosts Unique Dinner for Rahul Gandhi

June 2, 2023
Somali Elite Commandos and Jubbaland Forces Thwart Al-Shabaab Landmine Plot, Neutralizing Terrorists – Somali Nationwide Information Company

Somali Elite Commandos and Jubbaland Forces Thwart Al-Shabaab Landmine Plot, Neutralizing Terrorists – Somali Nationwide Information Company

August 4, 2023
I Was a Refugee. Now I Drive a Truck to Obtain My American Dream.

I Was a Refugee. Now I Drive a Truck to Obtain My American Dream.

June 14, 2023
Almost 32,000 are nonetheless working whereas driving via I-71/75

Almost 32,000 are nonetheless working whereas driving via I-71/75

February 16, 2024
10 killed as preventing between disciplined forces intensifies in Somalia

10 killed as preventing between disciplined forces intensifies in Somalia

June 14, 2023

About Us

Welcome to Ohhornnews The goal of Ohhornnews is to give you the absolute best news sources for any topic! Our topics are carefully curated and constantly updated as we know the web moves fast so we try to as well.

Categories

  • Business
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Tech
  • Travel

Recent Posts

  • Madaxweyne Deni oo ku maqan dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu maanta dib ugu laabto Garoowe – Puntland Submit
  • Three Somali Fishermen Rescued After Months Misplaced at Sea, Welcomed Residence in Mogadishu – Somali Nationwide Information Company
  • Dowladda Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Hindiya Kadib Shil Diyaaradeed oo Ka Dhacay Ahmedabad
  • Home
  • About Us
  • Contact Us
  • Disclaimer
  • Privacy Policy
  • Terms & Conditions

Copyright © 2023 Ohhornnews.com | All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Health
  • Tech
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop

Copyright © 2023 Ohhornnews.com | All Rights Reserved.