• Home
  • About Us
  • Contact Us
  • Disclaimer
  • Privacy Policy
  • Terms & Conditions
Friday, June 13, 2025
ohhornnews.com
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Health
  • Tech
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Health
  • Tech
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
Morning News
No Result
View All Result
Home Latest News

Xisbiga Himilo Qaran oo eedeyn culus u jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh

admin by admin
August 10, 2024
in Latest News
0
0
SHARES
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter


MUQDISHO (SMN) – Xisbiga Himilo Qaran ayaa si weyn u cambaareeyay hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya ee ku aadana cabashada dhalinyarada shaqo la’aanta ah.

 

Xisbigan oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha uu u gefay dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hadalka Madaxweynu uu dhiirri gelinayo in dhallinyaradu ay ka tahriibaan dalka

“Xisbigu wuxuu u arkaa in hadalka Madaxweynu dhiirri gelinayo in dhallinyaradu ka tahriibaan waddanka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan:-

WAR SAXAAFADEED.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu aad uga xun yahay una canbaaraynayaa hadalkii aan munaasabka ehayn ee kasoo yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud kaas oo  uu ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada.

Madaxweynuhu wuxuu gef qayaxan kula kacay dhallinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan kuwa ku nool Muqdisho. Dhallinyaradu waxay ka cabanayaan, shaqo la’aan taasoo sababtay inay adkaato sidii dhallinyaradu ay ku heli lahaayeen nolosha aasaasiga ah ee qofku u baahan yahay, waana xaqiiqo aan la inkiri karin xaaladda guud ee dhaqaalaha waddanku meesha uu marayo.

Madaxweynaha iyo xukuumaddiisu waxay ku fashilmeen inay fuliyaan ballanqaadyadii tirada badnaa  ee madaxweynuhu dhallinyarada uu u sameeyay iyo dhammaan ummada Soomaaliyeedba oo ay ka mid ahyd shaqo abuurka, waxaana ayaan darto ah in  Madaxweynaha ay la noqotay in xalku ku jiro inuu dhallinyarada sharaftooda uu ku xad-gudbo oo ku sifeeyo wax aan u qalmin.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu u arkaa inaysan mudnayn dhallinyaradu in lavatory qaybiyo saddexda nooc ee Madaxweynuhu u qaybiyay. Dhallinyaradu waa mustaqbalkii dalka waana hantida ugu qaalisan ee waddankaani  leeyahay.

Xisbigu wuxuu u arkaa in hadalka Madaxweynu dhiirri gelinayo in dhallinyaradu ka tahriibaan waddanka. Waxaa  kaloo hadalka Madaxweynaha laga dheehanayaa in dhallinyaradu ay ku biiraan argagixisada, taas oo ka dhigan niyad jabin iyo mustaqbalka dhallinyarada oo mugdi la geliyo.

Xisbigu wuxuu usoo jeedinayaa Madaxweynaha inuu raalli gelin ka bixiyo hadalka jaa’ifada ah ee uu ku sifeeyay dhallinyarada Soomaaliyeed. Madaxweynuhu waa inuu fahmaa shacabka dareenkooda ee uusan qiyaas ka qaadan oo kaliya xaaladdiisa dhaqaale iyo tan xukuumaddiisa oo kaliya.

Ugu danbeyn xisbigu wuxuu dhalinyaradda soomaaliyeed u soo jeedinayaa in ay laba jibaaraan dadaalka ay ugu jiraan hormarinta dalkooda iyo kaalinta ay ku lee yihiin dib u dhigiska dalka, una adkaystaan duruufaha adag ee ay ku noolyihiin. Xisbigu wuxuu u rajaynayaa dhalinyarada soomaaliyeed mustaqbal dhow oo ifaya.

DHAMMAAD.



Source_link

READ ALSO

Madaxweyne Deni oo ku maqan dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu maanta dib ugu laabto Garoowe – Puntland Submit

Three Somali Fishermen Rescued After Months Misplaced at Sea, Welcomed Residence in Mogadishu – Somali Nationwide Information Company

Tags: culuseedeynHimilojeediyayMadaxweyneQaranSheekhXasanxisbiga

Related Posts

Madaxweyne Deni oo ku maqan dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu maanta dib ugu laabto Garoowe – Puntland Submit
Latest News

Madaxweyne Deni oo ku maqan dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu maanta dib ugu laabto Garoowe – Puntland Submit

June 13, 2025
Three Somali Fishermen Rescued After Months Misplaced at Sea, Welcomed Residence in Mogadishu – Somali Nationwide Information Company
Latest News

Three Somali Fishermen Rescued After Months Misplaced at Sea, Welcomed Residence in Mogadishu – Somali Nationwide Information Company

June 13, 2025
Dowladda Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Hindiya Kadib Shil Diyaaradeed oo Ka Dhacay Ahmedabad
Latest News

Dowladda Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Hindiya Kadib Shil Diyaaradeed oo Ka Dhacay Ahmedabad

June 13, 2025
Somalia’s president inspects Turkish oil exploration vessel following profitable survey 
Latest News

Somalia’s president inspects Turkish oil exploration vessel following profitable survey 

June 12, 2025
Chicago to have fun Pope Leo XIV with mass at White Sox Stadium on Saturdasy
Latest News

Chicago to have fun Pope Leo XIV with mass at White Sox Stadium on Saturdasy

June 12, 2025
2 our bodies discovered on lacking fishing boat off Cape Cod
Latest News

2 our bodies discovered on lacking fishing boat off Cape Cod

June 12, 2025

POPULAR NEWS

Frank Islam, Influential US Enterprise Chief, Hosts Unique Dinner for Rahul Gandhi

Frank Islam, Influential US Enterprise Chief, Hosts Unique Dinner for Rahul Gandhi

June 2, 2023
Somali Elite Commandos and Jubbaland Forces Thwart Al-Shabaab Landmine Plot, Neutralizing Terrorists – Somali Nationwide Information Company

Somali Elite Commandos and Jubbaland Forces Thwart Al-Shabaab Landmine Plot, Neutralizing Terrorists – Somali Nationwide Information Company

August 4, 2023
I Was a Refugee. Now I Drive a Truck to Obtain My American Dream.

I Was a Refugee. Now I Drive a Truck to Obtain My American Dream.

June 14, 2023
Almost 32,000 are nonetheless working whereas driving via I-71/75

Almost 32,000 are nonetheless working whereas driving via I-71/75

February 16, 2024
10 killed as preventing between disciplined forces intensifies in Somalia

10 killed as preventing between disciplined forces intensifies in Somalia

June 14, 2023

About Us

Welcome to Ohhornnews The goal of Ohhornnews is to give you the absolute best news sources for any topic! Our topics are carefully curated and constantly updated as we know the web moves fast so we try to as well.

Categories

  • Business
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Tech
  • Travel

Recent Posts

  • Madaxweyne Deni oo ku maqan dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu maanta dib ugu laabto Garoowe – Puntland Submit
  • Three Somali Fishermen Rescued After Months Misplaced at Sea, Welcomed Residence in Mogadishu – Somali Nationwide Information Company
  • Dowladda Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Hindiya Kadib Shil Diyaaradeed oo Ka Dhacay Ahmedabad
  • Home
  • About Us
  • Contact Us
  • Disclaimer
  • Privacy Policy
  • Terms & Conditions

Copyright © 2023 Ohhornnews.com | All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Health
  • Tech
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop

Copyright © 2023 Ohhornnews.com | All Rights Reserved.