ANKARA (SMN) – Shirka saddexaad ee Turkiga iyo Afrika ayaa lagu qaban doonaa dalka Jabuuti 2-da iyo 3-da Nov, sida ay ilo-wareedyo diblomaasiyadeed oo Turki ah u sheegeen warbaahinta.
Wasiirka arrimaha dibadda Hakan Fidan ayaa Turkiga ku matali doona shirka maalgashiga, iyadoo ay ka qeyb galayaan wasiiro arrimo dibadeed oo ka kala socda 14 dal oo Afrikaan ah, sida Somalia, Masar, Zambia, Zimbabwe, Nigeria, Equatorial Guinea, Libya, Djibouti, Chad, South Sudan, Comoros, Ghana, Angola iyo Mauritania. .
Wasiirada ayaa dib u eegis ku sameyn doona fulinta go’aamadii ka soo baxay shirkii hore ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ee 2021-ka, waxayna ka wadahadli doonaan tillaabooyinka bathroom baahan yahay in la qaado si waafaqsan qorshaha 2022-2026 iyadoo ujeedadu tahay horumarinta iskaashiga Turkiga iyo Afrika.
Shirka ka furmaya Jabuuti ayaa sidoo kale diyaarin doona shir madaxeedka afraad ee Turkiga iyo Afrika oo lagu qaban doono dal Afrikaan ah sanadka 2026, waxaana diirada lagu saari doonaa ganacsiga iyo maalgashiga.
Turkiga ayaa dhawaan heshiisyo shidaal la galay Somalia iyo dalal kale oo Afrika ku yaalla, iyadoo uu kusoo biiray wadamada maalgashiga xoogan ka wada qaaradda, oo ugu horeeyaan Shiinaha Iyo Mareykanka, iyadoo hadda Ruushka kusoo biirayo.
Ganacsiga Turkiga ee Afrika ayaa kor u dhaafay 40 bilyan oo doolar, baaxadda mashaariicda ay fuliyaan shirkadaha qandaraaslayaasha ah ee Turkiga ayaa gaaray $85 bilyan qaaradda.