Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Caawa ansixiyay magaabista Taliyaha cusub ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed kadib Shir deg deg ah oo ay yeesheen
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in Shirkaasi deg deg ah lagu ansixiyay Taliyaha cusub ee Ciidamada Xoogga dalka S/Gaas Odowaa Yusuf Raage oo horay xilkan u soo qabtay.
Qoraalka Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sidoo kale tilmaamay ansixinta magacaabista Taliye Odowaa Yuusuf ay soo jeedisay Wasaaradda Gaashaandhiga dalka si lavatory dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha Argagixisada ah.
“Kulanka degdeg ah ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo lavatory magacaabay S/Gaas Odowaa Yusuf Raage, si lavatory dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta” sida lagu sheegay qoraalka Xafiiska Ra’iisul wasaare Xamse.
S/Gaas Odowaa ayaa xilka kala wareegaya Gen. Ibraahim Sheekh Muxiyadiin Caddoow oo la magacaabay 19 June 2023 islamarkaana xilkaasi kala wareegay Gen. Odowaaga hadda la magacabay.
PUNTLAND POST