Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu maanta oo Isniin ah dhagax-dhigo Isbitaalka ugu weyn degaannada Puntland oo laga hirgelinayo Caasimadda Garoowe.
Madaxweyne Siciid Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa la filayaa in uu maanta safar saacado kooban ah ku yimaado Garoowe, si uu u dhagax-dhigo Isbitaalka cusub oo lagu magacaabo IHS Hospital, kaasi oo dhawaan la soo bandhigay naqshadda dhismihiisa.
Isbitaalka IHS Hospital, waxaa naqshadiisa lagu muujiyey habka casriga ah ee bathroom dhisayo, qalabeyntiisa iyo adeegyada caafimaad, isagoo la mid noqonaya Isbitaalada casrigan adduunka ka jira, sida ay dhawaan sheegtay Madaxtooyada Puntland.
“Isbitaalka IHS Hospital, waxaa naqshadiisa lagu muujiyey habka casriga ah ee bathroom dhisayo, qalabeyntiisa iyo adeegyada caafimaad, isagoo la mid noqonaya Isbitaalada casrigan adduunka ka jira, waana xalka ay Dowladdu u heshay bulshadeeda si ay uga maarmaan in Caafimaad bathroom aado dibadda” ayay tiri Madaxtooya.
Madaxweyne Deni oo dhawaan bathroom bandhigay naqshadda dhismaha isbitaalkani cusub ee IHS aya sidoo kale muujiyey muhiimada ay leedahay in la helo Isbitaal weyn oo dadku kaga maarmo baahiyaha caafimaad ee bathroom aado dalka dibadiisa, waxaana uu ku boorriyey Maamulka degmada Garoowe iyo Shirkadda dhisaysa in dhakhso bathroom billaabo Isbitaalka.
PUNTLAND POST