Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen saddex ajaanib ah oo duruuf weyn ka muuqato, kuwaasi oo lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin kooxaha Argagixisada ah ee Daacish.
Xafiiska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada u qaabilsan Ciidamada Puntland ayaa sheegay in ay dooxada teedsan Uur-caleed ee u rogan xagga laamiga ku qabteen saddex ajaanib ah oo duruuf weyn ka muuqato, kuwaasi oo jeebabkooda laga helay rasaas iyo astaamo kale oo muujinaya in ay ka tirsan yihiin dagaallamayaasha Argagixisada ISIS.
Qoraal uu soo saaray Xafiiska Xafiiska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada u qaabilsan Ciidamada Puntland ayuu ku sheegay in baaritaan ku socdo ajaanibta lagu qabtay dooxada teedsan Uur-caleed, islamarkaana jeebabkooda laga helay rasaasta iyo agabka kale ee ciidan, taasi oo xoojisay tuhunka laga qabo in ka tirsan yihiin mileeshiyaadkii jabay ee Daacish.
“Ciidanku waxay qabteen Saddex Ajaanib ah oo duruuf weyn ka muuqato, Dooxada teedsan Uur-caleed ee u rogan xaga laamiga, waxaa soo gudbiyey dadka deegaanka. Baaritaan ayaa ku socda, waxaa laga helay Rasaas jeebabkooda iyo astaamo kale” ayuu Qoraalkiisa ku sheegay Xafiiska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland.
PUNTLAND POST