Taliyihii Ciidanka Danab, qaybta Galmudug, Asad Cismaan Afrax, ayaa maanta lagu dilay weerar ka dhacay duleedka deegaanka Abooreey oo qiyaas ahaan 20km u jirta Degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.
Â
Taliyaha iyo ciidankiisa ayaa ku wajahnaa Degaanka Abooreey oo saaka ay weerar ku qaadeen Ciidanka Dowladda si ay uga saaraan Kooxda Al Shabab oo halkaasi qabsatay maalin ka hor.
Kooxda Al Shabab ayaa sheegatay in taliyaha iyo askar kale ku dishay weerar dhabo-gal ah xilli iyaga oo gurmad ahaa ay ku sii jeedeen deegaannka Aboorey.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Kaariye Qoor Qoor ayaa cambaareeyay falka lagu dilay taliyaha, isagoona uga tacsiyeeyay qoyska, ehellada, Ciidammada Qalabka Sida iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariiste Taliyaha.
Ilaa hadda majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo ku aadan weerarkii lagu dilay taliye Asad Cismaan Afrax.