MUQDISHO, Soomaaliya — Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa galay qalalaase Arbacadii maanta markii xildhibaanada dhexmaray gacan ka hadal intii lagu jiray kulan fowdo badan oo muujiyay kala qaybsanaan siyaasadeed oo qoto dheer.
Ciidamo hubaysan oo amniga ilaalinaya ayaa la geeyay gudaha baarlamaanka, iyadoo xiisaddu ay sii kordhaysay, oo Guddoomiye Aadan Madoobe uu ku adkaystay inuu sii wado shirka inkasta oo ay jirto diidmo xooggan oo ka timid koox xildhibaano ah oo sheegay inuusan shir-gudoomin karin, maadaama Mooshin ka yaallo.
Kulankii, oo ahaa kii ugu horreeyay ee goluhu yeesho ka dib toddobaad, ayaa si degdeg ah u burburay. In ka badan 100 xildhibaan ayaa saxiixay mooshin lagu doonayo in lagu xayuubiyo guddoomiyaha, iyagoo ku andacoonaya inuu si sharci darro ah uga qaaday xasaanadda baarlamaanka Xildhibaan Abib, oo mucaarad ku ah xukuumadda.
Muuqaallo Shabelle TV baahiyay ayaa muujiyay kulan fowdo ah, oo xildhibaanno isku gacan-qaadayeen, iyadoo Gudoomiyaha uu aflagaadeynayo qaar kamid ah xubnaha Mooshinka keenay, ee isaga kasoo horjeeda.
Aadan Madoobe, oo bathroom doortay guddoomiyaha baarlamaanka bishii April 2022, ayaa diiday in mucaaradku yahay aqlabiyad, isagoo sheegay in kaliya “20 xildhibaan” ay ka soo horjeedaan. Wuxuu ku adkaystay inuu sii wado kulanka, taasoo sii hurisay xiisadda.
Qalalaasaha ayaa daba socday toddobaadyo xiisad siyaasadeed taagnayd, oo ka jirtay Golaha Shacabka, halkaasoo kala qaybsanaanta gudaha ay si isdaba joog ah u hakisay kulamo looga hadli lahaa dib-u-habeyn doorasho iyo wax ka beddel dastuur. Baarlamaanku waxa uu ahaa hay’adda sharci-dejinta dalka, laakiin hadda isku bedelay meel fowdo ka socoto.
Qalalaasaha ayaa halis gelinaya kala-guurka siyaasadeed ee jilicsan ee Soomaaliya. Dalka, oo ku hoos shaqeeya nidaam doorasho dadban oo ku salaysan qabaa’ilka, ayaa la tacaalaya dib-u-habayn doorasho oo daahday oo looga gol leeyahay in lagu qabto doorashooyinka qof iyo cod ah.