• Home
  • About Us
  • Contact Us
  • Disclaimer
  • Privacy Policy
  • Terms & Conditions
Saturday, July 12, 2025
ohhornnews.com
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Health
  • Tech
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Health
  • Tech
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
Morning News
No Result
View All Result
Home Latest News

Sida Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke Uga Hortagay Kala Goynta Soomaaliya – Puntland Publish

admin by admin
May 4, 2025
in Latest News
0
0
SHARES
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter


Hoggaamiye fiiro-dheer lahaa: Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke wuu ka hortagay in Ra’iisal Wasaare Cigaal uu maamullo deegaan-doorashooyinka beelaha Hartiga Waqooyi doorashadii 1969kii.

Muqdisho (Faallo ) — Sanadkii 1969kii ka hor intaysan ciidammadu afgambinin dowladdii rayidka, waxaa Soomaaliya ka dhacday doorasho. Doorashadaas waxaa lagu maamulayay hab uu xisbigii SYL dejiyay. Gobollada Hartiga Waqooyi dego waxaa  maamulayay Yaasiin Nuur Xasan Bidde (oo ahaa Wasiirkii Arrimmaha Gudaha) iyo Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaake. Waxay labadooduba kula heshiiyeen Ra’iisal Wasaare Maxamed Ibraahim Cigaal inuu maamusho gobollada beesha Isaaq degaan si uu uga soo saaro xildhibaanno (deputati) meteli doona xisbigii SYL oo talada hayay waqtigaas. Cigaal kuma doodin inay jireen xuduudo uu Biritishku ka tagay oo u bannaynayay inuu maamulo doorashooyinka ka dhacay seejooyinka Hartiga Waqooyi. Ma jirin sabab uu ugu doodi karay sidaas.

Jaamac Maxamed Qaalib, oo dhowr sano ka hor geeriyooday, ayaa xogtan ku qoray buuggiisa The Value of Dictatorship: The Somali Expertise, oo soo baxay sanadkii 1994kii. Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaake wuxuu ogaa in siyaasiyiintii Waqooyigu ku yimadeen koonfurta hab beelo ah oo aysan sida koonfurta lahayn xisbiyo sidii SYL iyo xisbiyadii u janjeeray Talyaaniga oo awoodda siyaasadda kaalin macne leh ku yeelan waayay markii Soomaaliya ay dal noqotay Luulyo 1960kii. I. M. Lewis, wuxuu ku qoray buuggiisa Trendy Historical past of the Somali: Nation and State within the Horn of Africa  siyaasiyiinta Daaroodka dhulka Biritishku xukumi jiray ay yimaadeen Koonfurta oo tolkood ay awood siyaasadeed ku lahaayeen.  Saleebaan Maxamuud Aadan oo, hadda ah Guddoomiyaga Guurtida maamulka goosasho-doonka ee Somaliland, ayaa 1965kii  majaladdii Dalka ku gorfeeyey daabacaddii kowaad ee buugga Lewis. Saleebaan wuxuu dhaliilay wax uu arkay in Lewis waxba uusan ka soo qaadin halgammadii gumeysigii Biritishka lagaga horyimid aan ahayn kii uu hoggaaminayay Sayid Maxamed Cabdille Xasan.

Madaxwyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo aragti siyaasadeed oo dheer lahaa, wuxuu ahaa siyaasiga keliya oo ka hortagay inay soo baxdo dood goosasho-doon ah oo ku salaysan xudduudo Biritishkii ka tagay ka sokow in Biritishku jebiyay dhammaan heshiisyadii uu laga galay beelaha Soomaaliyeed oo qaarkood uu dib u hoos geeyey waxa Soomaalidu u taqaanno gumeysiga madow ee Xabashida.

Siyaasiyiinta koonfurta Soomaaliya xilligii dowladdii rayidka means ogaayeen in dareen goosasho-doon ah oo beelaha waqooyiga qaarkood ay wadeen. Majaladdii Dalka, uu Yuusuf Jaamac Dhuxul lahaa, waxay u bixisay kooxdaas goosasho-doonka ah “katangists”, oo waxay ugu magacdartay kooxdii gobolkii Katanga ee Kongo ka jirtay oo goosasho-doon ahayd lixdamaadkii qarnigii hore.

1957 Xaaji Muuse Boqor Cusmaan wuxuu kala hadlay Qunsulkii Maraykanka u fadhiyay Muqdisho in Itoobiya ay doonayso inay soo weerarto dhul Soomaaliyeed. Dhulkii Talyaanigu u xilsaarnaaa inuu gobannimada gaarsiiyo (The Belief Territory of Somaliland) ma ahayn dhulka halista ku jiray; wuxuu ahaa dhulkii Biritishku Ilaalin Jiray ee Soomaalida (British Somaliland Protectorate) oo dadka ku nool ay cabsi joogto ah la soo daristay kaddib markii Biritishku dhulka Haud & Reserve ku daray Itoobiya isaga oo jebiyay heshiiskii beelaha Soomaaliyeed uu kula galay inuu ilaaliyo dhulkooda. Ra’iisal Wasaare Cigaal oo London 1968kii booqanayay ayaa ku eedeeyay Biritishka inuu siray Soomaalida oo dhulkooda ku daray Itoobiya. Birtishku wuu diiday in qareen Micheal Mariano cuskado Widespread Legislation (Sharciga Guud) waayo xukummaddii Biritishka waxay ku doodday in Soomaalida lagu dhaqayay xeer Soomaali (customary legislation) oo aan ka shaqaynin maxkamadaha Biritishka. Maanta Biritayn ma oggola in laga hadlo heshiiskii beelaha Soomaaliyeed la galeen Imbaradooriyaddii Biritishka. Magdhaw ama raalli gelin midkood inay Biritayn bixiso ayaa qasab noqonaysa.

Shirkii Soomali Weyn (Larger Somalia Convention) ka dhacay Muqdisho 1959kii wuxuu halyay Cabdullaahi Ciise ka sheegay in dhulka Soomaalidu leedahay ku dhow yahay duleedka Addis Ababa. Hadalkaas hurdo la’aan ayuu ku riday Xayle Salaase oo markii  dambe joojiyay hanjabaaddii dadbanayd uu ku hayay Waqooyiga Soomaaliya. Soomaalida oo aan lahayn dowlad aqoonsi buuxda leh ayaa waagaas danaheeda difaacanaysay. Soomaalida oo qaran ah, leh far qoran ma aha dal sidii la doono laga yeeli karo.

Maxamuud Ciise (Trunji) wuxuu ku qoray buugiisa Somalia: The Untold Historical past 1941-1969, in Talyaanigu ka leexday xisbiyadii ka horjeeday SYL, oo uu u leexday xisbiga u taagan himilada dadka Soomaaliyeed. Mar kasta dadka qarannimada Soomaaliya ka horjeeda ama yaraysta dhib siyaasadeed ayaa soo gaarta waayo qofka dalkiisa iyo dadkiisa jecel laguma soo degdego, laakiin qofka dalkiisa neceb oo dal shisheeye inuu u daneeyo isku daya maalin uun baa lagu danaystaa kaddibna la iska tuuraa, sida haashka sigaarka. Dib uma shidmi karo xitaa haashkaas.

Aadan M. S. Xuseen waa naked taariikhda ka dhiga jaamcad ku taalla Muqdisho.

© Puntland Publish, 2025





Source_link

READ ALSO

Somalia’s authorities prepares to deploy troops to Gedo area amid rising tensions over voter registration 

Here is how FEMA funding helps after disasters just like the flooding in Texas

Tags: CabdirashiidCaliGoyntaHortagaykalaMadaxweynePostPuntlandSharmaarkeSidaSoomaaliyauga

Related Posts

Somalia’s authorities prepares to deploy troops to Gedo area amid rising tensions over voter registration 
Latest News

Somalia’s authorities prepares to deploy troops to Gedo area amid rising tensions over voter registration 

July 12, 2025
Here is how FEMA funding helps after disasters just like the flooding in Texas
Latest News

Here is how FEMA funding helps after disasters just like the flooding in Texas

July 12, 2025
Scorching weekend & a storm potential in Cincinnati
Latest News

Scorching weekend & a storm potential in Cincinnati

July 12, 2025
Mareykanka oo xalay Raashin iyo Sahay ciidan xagga Cirka uga daadiyay Ciidamada Puntland – Puntland Put up
Latest News

Mareykanka oo xalay Raashin iyo Sahay ciidan xagga Cirka uga daadiyay Ciidamada Puntland – Puntland Put up

July 12, 2025
Galmudug Leaders and Turkish Ambassador Focus on Bettering Financial Infrastructure – Somali Nationwide Information Company
Latest News

Galmudug Leaders and Turkish Ambassador Focus on Bettering Financial Infrastructure – Somali Nationwide Information Company

July 11, 2025
Convention to finish SCC Khaatumo State Set to Open in LasAnod
Latest News

Convention to finish SCC Khaatumo State Set to Open in LasAnod

July 11, 2025

POPULAR NEWS

Frank Islam, Influential US Enterprise Chief, Hosts Unique Dinner for Rahul Gandhi

Frank Islam, Influential US Enterprise Chief, Hosts Unique Dinner for Rahul Gandhi

June 2, 2023
Somali Elite Commandos and Jubbaland Forces Thwart Al-Shabaab Landmine Plot, Neutralizing Terrorists – Somali Nationwide Information Company

Somali Elite Commandos and Jubbaland Forces Thwart Al-Shabaab Landmine Plot, Neutralizing Terrorists – Somali Nationwide Information Company

August 4, 2023
I Was a Refugee. Now I Drive a Truck to Obtain My American Dream.

I Was a Refugee. Now I Drive a Truck to Obtain My American Dream.

June 14, 2023
Almost 32,000 are nonetheless working whereas driving via I-71/75

Almost 32,000 are nonetheless working whereas driving via I-71/75

February 16, 2024
10 killed as preventing between disciplined forces intensifies in Somalia

10 killed as preventing between disciplined forces intensifies in Somalia

June 14, 2023

About Us

Welcome to Ohhornnews The goal of Ohhornnews is to give you the absolute best news sources for any topic! Our topics are carefully curated and constantly updated as we know the web moves fast so we try to as well.

Categories

  • Business
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Tech
  • Travel

Recent Posts

  • Somalia’s authorities prepares to deploy troops to Gedo area amid rising tensions over voter registration 
  • Here is how FEMA funding helps after disasters just like the flooding in Texas
  • Scorching weekend & a storm potential in Cincinnati
  • Home
  • About Us
  • Contact Us
  • Disclaimer
  • Privacy Policy
  • Terms & Conditions

Copyright © 2023 Ohhornnews.com | All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Health
  • Tech
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop

Copyright © 2023 Ohhornnews.com | All Rights Reserved.