Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ka baaqday Shirkii uu iclaamiyay madaxweyne Xasan Sheekh ee la filayo in uu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa laga soo xigtay in isaguna qaban-qaabinayo Shir ku saabsan badbaadinta Soomaaliya.
Madaxweyne Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa xalay u sheegay mas’uuliyiin ka tirsan dowladdiisa in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in uu Muqdisho u safrayo, kaddib cadaadis uga yimid Beesha Caalamka, si uu uga qeyb-galo Shirkii uu ballamiyay madaxweyne Xasan Sheekh ee ka furmaya halkaasi.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa ka soo xigtay madaxweyne Siciid Deni in uu qaban-qaabinayo Shir ku saabsan badbaadinta Soomaaliya oo ka qabsoomaya Garoowe, kaasi oo uu ku marti-qaadayo dhammaan siyaasiyiinta iyo mucaaridsan Villa Somalia, xildhibaannada labada aqal ee BFS iyo sidoo kale dowlad goboleedka Jubaland.
PUNTLAND POST