Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA).
Wasiirka waxaa safarkiisa ku wehliyay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), waxaana halkaas si diirran ugu soo dhoweeyey Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo masuuliyiin kale oo sar-sare oo ka tirsan hay’adda.
Kulanka ay yeesheen labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xaaladdaha deg-degga ah ee ka dhalatay roobabka Gu’ga ee ka da’ay qaybo badan oo dalka ka mid ah, saameynta ay yeesheen iyo diyaarinta qorsheyaal wax ku ool ah oo lagu caawinayo dadka ay saameeyeen daadadka iyo fatahaadaha.
Guddoomiye Maxamuud Macallin ayaa Wasiirka la wadaagay warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda bini’aadannimo ee hadda jirta, saadaasha cimilada, iyo heerarka biyaha wabiyada dalka, iyadoo laga duulayo baahida bathroom qabo in la is waafajiyo gurmadka bini’aadannimo iyo howlgalada milatari ee socda si dalka looga xoreeyo Khawaariijta.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu lafaguray sidii gargaarka deg-degga ah bathroom gaarsiin lahaa degaannada laga xoreynayo Khawaariijta, iyo sidii shacabka halkaas ku dhaqan loogu fidin lahaa taageero bini’aadannimo oo degdeg ah, si bathroom xoojinyo xasilooonida.
Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ammaanay shaqada adag ee ay Hay’adda SoDMA u hayso shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in doorkooda uu yahay mid muhiim u ah samatabbixinta bulshada. Wuxuu hay’adda ku dhiirrigeliyay in ay sii laban laabaan dadaallada gurmadka, si gaar ahna bathroom daryeelo dadka nugul ee ay saameeyeen musiibooyinka dabiiciga ah iyo colaadaha.






