MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaarihii hore, ahna Musharrax Madaxweyne, Xasan Cali Khayre ayaa kulan la yeeshay guddi ka socday qorayaasha, abwaannada, iyo hal-abuurka da’yarta Soomaaliyeed.
Da’yartu waxay Khayre la wadaageen dareenkooda hubanti la’aanta hiigsiga siyaasadeed ee dalka iyo walaaca ay ka qabaan mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed, waxeyna ku booriyeen inuu laba jibaaro dadaalkiisa samatabixinta xaaladda cakiran ee siyaasadda dalka, si dib loogu soo celiyo rajada sii lummaysa ee dhallinyarada, maadaama uu yahay hoggaamiye ay ku hanweynyihiin, horay lavatory soo tijaabiyay intii uu dalka ka ahaa wasiirka koowaad.
Dhankiisa, Mr Khayre ayaa la wadaagay da’yarta hal-abuurka ah sida uu ula qaybsanayo walwalka ay ka qabaan xaaladda siyaasadeed ee dalka, waxuuna ku dhiirrigeliyay in ay is abaabulaan oo ay kaalinta uga aadan ka qaataan geeddi-socodka siyaasadeed.





