Muqdisho, 12 Juun 2025 – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Hindiya, kadib markii diyaaradda Air India ay shil ku gashay dhowr daqiiqo kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee Ahmedabad.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay si weyn uga naxday shilkaas naxdinta leh oo ay ku dhinteen dad rayid ah, waxayna la qeybsatay murugada qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintay ama ku dhaawacmay shilkaasi.
“Waxaan dareenkeena la wadaageynaa qoysaska dhibbanayaasha, shacabka Hindiya iyo dhammaan dadka ay saameynta ku yeelatay musiibadan murugada leh. Waxaan u rajeyneynaa caafimaad degdeg ah dadka dhaawacmay, iyo adkaysi qoysaska iyo bulshooyinka ay dhibaatadu taabatay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa muujisay midnimo iyo garab istaag ay la leedahay Dowladda Hindiya iyo dalalka kale ee saameynta ay ku yeelatay masiibadan, iyada oo rajeyneysa in laga gudbo xaaladdan adag.