Xog sugan oo aan ka helnay Madaxtooyada Puntland ayaa muujinaysa in Madaxweyne Deni uu magacaabis ballaaran samaynayo ka hor dhammaadka bishan June, taasi oo saamayn doonta golaha Wasiirada, agaasimayaasha wasaaradaha dowladda iyo mas’uuliyiin kale.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Deni isu diyaarinayo isbeddel xooggan oo saamayn doona golaha wasiirada, agaasimayaasha wasaaradaha iyo mas’uuliyiin kale oo dowladeed, waxaana la filayaa in isbeddelkaasi dhaco 10 cisho ee ka harsan bisha June, gaar ahaana todobaadka bilaabanaya.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynuhu si weyn u xaddiday xogta ku saabsan isbeddelkan, islamarkaana aysan hadda jirin La-tashiyadii uu samayn jiray markii uu qorshaynayo magacaabis, taasi oo muujinaysa in uu go’aansaday xadidda xoga laga heli karo xafiiskiisa ee la xiriirta isbeddelka soo wajahan.
PUNTLAND POST