Sabiid, Shabeellaha Hoose – Juun 22, 2025 – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa howlgal ballaaran oo milatari ka fuliyay deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo maalmo ka hor ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.
Dagaal culus oo socday saacado badan ayaa sababay in ciidamadu si buuxda ula wareegaan gacan ku haynta deegaannadaasi.
Dagaalka ayaa ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Sabiid iyo Caanoole, halkaas oo ciidamada dowladda ay la kulmeen iska caabin xooggan oo kaga timid Al-Shabaab. Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha milateriga ayaa sheegay in ciidanku ay guulo muhiim ah ka gaareen howlgalka, isla markaana ay jab xoogan u geysteen kooxda Khawaarijta.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay si xirfadaysan u fuliyeen howlgallo qorshaysan oo lagu xoreeyay Sabiid, Caanoole iyo sidoo kale deegaanka Dhaji oo ku yaalla xadka gobolka Bakool, qiyaastii 40 km u jirta degmada Xudur.
“Howlgallada aan ka fulinay Sabiid iyo Caanoole waxay qeyb ka yihiin dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta. Ciidamadu waxay cagta mariyeen saldhigyo muhiim ah oo kooxda ay ku lahaayeen gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna burburiyeen keydad hub iyo saanad milatari,” ayuu yiri Taliyaha.
Sarreeye Guuto Sahal ayaa intaas ku daray in howlgalladu sii socon doonaan ilaa laga cirib tiro kooxaha argagixisada ee weli ku sugan qeybo ka mid ah dalka. Waxa uu sidoo kale xusay in shacabka deegaanka ay si wanaagsan u soo dhoweeyeen ciidamada, isla markaana ay si buuxda u taageerayaan dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasilloonida.
Howlgallada milatari ee ka socda Koonfurta Soomaaliya ayaa ah kuwa lagu doonayo in Al-Shabaab looga saaro meelaha ay weli kaga sugan yihiin dalka, iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay in sanadka 2025 uu yahay sanadkii dhameystirka dagaalka lagula jiro argagixisada.