Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa gobolka Sanaag ka bilaabay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhan ah xukuumadda madaxweyne Siciid Deni.
Ex. Guddoomiye Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo sidoo kale ka tirsan xildhibaannada golaha wakiilada ee wakhtigan ayaa magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ka bilaabay abaabul siyaasadeed oo ka horjeeda Puntland, islamarkaana uu ku raadinayo in gobolka Sanaag lagu daro maamulka SSC-khaatumo.
Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa sidoo kale ku eedeeyay xildhibaan Cabdirashiid Jibriil in uu ciidamo heer Federaal ah ka qorayo magaalada Badhan, kuwaasi oo ay mushaarkooda bixinayso Villa Somalia, si ay ugu fuliyaan ajandayaal ka baxsan nidaamka Puntland.
Dhawaan, Baarlamaanka Puntland ayaa ayaa been-abuur ku tilmaamay warar ku saabsan in golaha laga saarayo, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kaddib markii uu ku biiray siyaasiyiinta mucaaridsan xukuumadda Siciid Deni, islamarkaana taageersan in gobolka Sanaag lagu daro maamulka SSC-khaatumo.
PUNTLAND POST