Haweenka danyarta ah ee ganacsiga yar yar ku haysta suuqa magaalada Gaalkacyo oo maanta bannaanbax sameeyay ayaa cabasho ka muujiyay dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo oo ay sheegeen in ay ka rartay goobihii ay ku ganacsan jireen.
Haweenkan bannaan-baxa ka sameeyay Gaalkacyo oo xirtay laamiga weyn ee bartamaha magaalada ayaa joojiyay isu socodkii gaadiidka, waxaana ay sheegeen in ay ka gadoodsan yihiin, islamarkaana cabasho ka muujinayaan dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo oo ay sheegeen in ay ka rartay goobihii ay ku ganacsan jireen.
Intaasi kaddib, ciidamo ka tirsan dowladda hoose ee Gaalkacyo oo goobta tegey ayaa rasaas ku furay haweenkii bannaanbaxa sameeyay ee cabashada ka muujinayay dowladda hoose inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay rasaastaasi, haddana waxaa joogsaday bannaan-bixii.
PUNTLAND POST