Guddoomiye Cabdifitaax Shanle ayaa qorshaynaya in uu is casilaaddiisa kaga dhawaaqo Kal-fadhiga golaha degaanka degmada Boosaaso oo Sabtida Saaka ah furmaya, kaddib markii inta badan xubnaha golahaasi ka diyaariyeen mooshin xilka qaadis ah.
Ilaa 26 xubnood oo ka tirsan golaha degaanka Boosaaso oo uu ku jiro guddoomiye ku xigeenkii degmada Bashiir Faarax Siciid ayaa diyaarinayay mooshinka xilka qaadista guddoomiye Shanle oo ay ku eedeeyeen in uu ku fashilmay shaqada degmada islamarkaana waxqabad la’aan ku sifoobay.
PUNTLAND POST