• Home
  • About Us
  • Contact Us
  • Disclaimer
  • Privacy Policy
  • Terms & Conditions
Thursday, July 10, 2025
ohhornnews.com
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Health
  • Tech
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Health
  • Tech
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop
No Result
View All Result
Morning News
No Result
View All Result
Home Latest News

Xildhibaan Baxsad ah oo Ku Eedeysan Marin-habaabinta Shacabka iyo Magac-dilka Dowladda Soomaaliya

admin by admin
July 5, 2025
in Latest News
0
0
SHARES
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter


MUQDISHO – Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa sii wada baaritaanka ay ku hayso Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasoo haatan ku sugan dalka Mareykanka.

 

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo, Abiib ayaa dalka ka baxay kaddib markii lagu eedeeyay inuu ku kacay falal culus oo ay ka mid yihiin sumcad-dilka hay’adaha dowliga ah iyo madaxda sare ee Xukuumadda iyo Golaha Shacabka.

Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib, oo tacliintiisa gaarsiisnayn heerka uu sheegto, ayaa caan ku noqday hadallo iyo qoraallo aan sal lahayn oo uu baraha bulshada ku faafiyo, kuwaas oo uu si joogto ah ugu weeraro wasaarado ka tirsan xukuumadda, isagoo ku eedeynaya musuq-maasuq iyadoo uusan soo bandhigin wax caddayn ah oo dhab ah.

Khubaro sharciyeed oo la hadlay Warbaahinta Shabelle ayaa sheegay in falalka uu ku kacay xildhibaanku ay noqon karaan dambi sharci ahaan lagu qaadi karo, taasoo sababtay inuu dalka kusoo laaban waayo, isagoo ka baqaya in la xiro ama lagu soo oogo dacwado la xiriira wararka been abuurka ah ee uu ku faafiyo baraha bulshada.

“Waa arrin layaab leh in nin xildhibaan ah oo ka tirsan Golaha Sharci-dejinta uu ku kaco falal sharci-darro ah, kaddibna uu sharciga ka baxsado,” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, oo intaas ku daray in Abiib uusan marnaba u qalmin xilka xildhibaannimo, maadaama uu yahay shakhsi jebiyay sharciga.

Xildhibaan Abiib ayaa bilaabay inuu faafiyo dacaayado ka dhan ah dowladda kaddib markii uu waayay xilka Wasiirka Maaliyadda markii la dhisay xukuumadda hadda jirta. Siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Awdal – oo ah halka uu kasoo jeedo wasiirkii hore ee Maaliyadda, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle – ayaa sheegay in Abiib xilkaasi ku dalbaday kaliya maadaama uu beddelay kursigii baarlamaanka ee Beyle, isagoo aaminsan in xilka wasiirnimo la iska dhaxli karo.

“Waa wax laga xumaado in qof sheeganaya inuu fahamsan yahay sida dowladnimadu u shaqeyso uu haddana u maleeyo in xil wasiirnimo si toos ah isaga loogu magacaabayo mar hadii uu kursi baarlamaan buuxiyay,” ayuu yiri xildhibaan laga soo doorto Awdal. Wuxuu intaas ku daray in dhaqanka Abiib uu dhaawacay sumcadda gobolka Awdal, isla markaana uu abuuray nacayb. “Waxaa nagu yaqaaney dad aqoon iyo sharaf leh, wuxuu naga dhigay kuwo hunguri iyo jago raac ah.”

Intii ay socotay baarista Shabelle, waxaa la ogaaday in Cabdullaahi Xaashi Abiib uusan haysan shahaadooyinka tacliimeed ee uu sheegto, gaar ahaan PhD. Shahaadada kaliya ee si rasmi ah lavatory xaqiijiyay waa Grasp of Utilized Science oo uu ka qaatay Jaamacadda Windsor ee dalka Canada, taasoo ku saabsan cilmiga injineeriyada robot-ka. Ma jiro wax caddayn ah oo muujinaya inuu wax ka bartay cilmiga maaliyadda, taasoo meesha ka saaraysa sheegashadiisa ah inuu yahay “khabiir ku xeel dheer dhaqaalaha.”

“Haddii uu jiro qof si joogto ah shacabka u marin-habaabiya, isla markaana qarinaya runta ku saabsan naftiisa, waa Cabdullaahi Abiib,” ayuu yiri garyaqaan caan ah oo sidoo kale ka tirsan Aqalka Sare. “Inkastoo dadku mar walba hadlin, si wanaagsan bay u garanayaan khiyaanadiisa.”

Sarkaal sare oo ka tirsan saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay Shabelle in Abiib laga go’doomiyay safaaradaha diblomaasiyadeed. Wararka la helay ayaa muujinaya in farriimihiisa uu ku diri jiray email-ka iyo barta X hadda laga xannibay dhowr safaaradood iyo hay’ado shisheeye oo ka shaqeeya arrimaha Soomaaliya.

“Waxaan xannibnay xiriirkiisa sababtoo ah sheegashooyinkiisa waa kuwo been abuur ah, kuna dhisan nacayb siyaasadeed,” ayuu yiri sarkaalkaasi. “Wuxuu isku dayayaa inuu kiciyo fowdo si uu u gaaro dano shakhsiyadeed, isagoo sameynaya aargoosi xun. Annagana ma oggolaaneyno in naloo adeegsado qorshihiisa khiyaanada ku dhisan.”

Baariyaasha ayaa u sheegay Shabelle in ay heleen caddaymo muujinaya in Cabdullaahi Xaashi Abiib uu faafiyay dokumentiyo been abuur ah iyo eedeymo la sameeyay, oo ay ku jiraan anshax xumo galmo iyo eex, kuwaasoo ujeedkoodu yahay marin-habaabin. Khubarada sharciga ayaa rumeysan in falalkaasi noqon karaan dembiyo lagu qaadi karo Abiib sida uu dhigayo sharciga Soomaaliya iyo kan caalamiga ah.

“Markii uu ku guuldareystay inuu caddeyn u keeno eedeymihiisa, wuxuu u jeestay inuu sameeyo waraaqo been abuur ah, isagoo xog shaqsiyeed u adeegsanaya sidii caddayn been ah,” ayuu yiri mid ka mid ah baariyaasha. “Tani waxay muujinaysaa qorshe la soo dhoodhoobay oo uu ku doonayo inuu ku sii jiro masraxa siyaasadda, isagoo ka cararaya isla xisaabtan sharci iyo mid dastuuri ah. Wuxuu ka maqnaa xilkiisii baarlamaan muddo ka badan laba sano. Su’aasha la isweydiinayo ayaa ah: yaa xil u dhiibanaya shaqsigan khayrul mas’uulka ah?”

Shabakadda Warbaahinta Shabelle waxay si hufan u sii wadi doontaa baaritaanada noocan ah, maadaama ay isa soo tarayaan kuwa ku xad-gudba dastuurka, ku tagri-fala awoodda, islamarkaana dayaca waajibaadka ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.



Source_link

READ ALSO

Winner of $1 million jackpot to be chosen at Ripley Queen of Hearts drawing

Cabdiraxmaan Cabdullaahi Jinac oo maanta lavatory doortay duqa cusub ee degmada Boosaaso – Puntland Submit

Tags: baxsaddowladdaEedeysanMarinhabaabintaMagacdilkaShacabkaiyoSoomaaliyaXildhibaan

Related Posts

Winner of  million jackpot to be chosen at Ripley Queen of Hearts drawing
Latest News

Winner of $1 million jackpot to be chosen at Ripley Queen of Hearts drawing

July 9, 2025
Cabdiraxmaan Cabdullaahi Jinac oo maanta lavatory doortay duqa cusub ee degmada Boosaaso – Puntland Submit
Latest News

Cabdiraxmaan Cabdullaahi Jinac oo maanta lavatory doortay duqa cusub ee degmada Boosaaso – Puntland Submit

July 9, 2025
PM Hamza Emphasizes Function of Analysis and Technique in Nation-Constructing at East African Scientific Convention – Somali Nationwide Information Company
Latest News

PM Hamza Emphasizes Function of Analysis and Technique in Nation-Constructing at East African Scientific Convention – Somali Nationwide Information Company

July 9, 2025
Fahfaahin: Qarax Is-miidaamin ah oo Ka Dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho
Latest News

Fahfaahin: Qarax Is-miidaamin ah oo Ka Dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

July 9, 2025
Somaliland accuses Somali govt of planning troop deployment to Sanaag area 
Latest News

Somaliland accuses Somali govt of planning troop deployment to Sanaag area 

July 9, 2025
CFD assistant chief beneath investigation, positioned on administrative go away
Latest News

CFD assistant chief beneath investigation, positioned on administrative go away

July 9, 2025

POPULAR NEWS

Frank Islam, Influential US Enterprise Chief, Hosts Unique Dinner for Rahul Gandhi

Frank Islam, Influential US Enterprise Chief, Hosts Unique Dinner for Rahul Gandhi

June 2, 2023
Somali Elite Commandos and Jubbaland Forces Thwart Al-Shabaab Landmine Plot, Neutralizing Terrorists – Somali Nationwide Information Company

Somali Elite Commandos and Jubbaland Forces Thwart Al-Shabaab Landmine Plot, Neutralizing Terrorists – Somali Nationwide Information Company

August 4, 2023
I Was a Refugee. Now I Drive a Truck to Obtain My American Dream.

I Was a Refugee. Now I Drive a Truck to Obtain My American Dream.

June 14, 2023
Almost 32,000 are nonetheless working whereas driving via I-71/75

Almost 32,000 are nonetheless working whereas driving via I-71/75

February 16, 2024
10 killed as preventing between disciplined forces intensifies in Somalia

10 killed as preventing between disciplined forces intensifies in Somalia

June 14, 2023

About Us

Welcome to Ohhornnews The goal of Ohhornnews is to give you the absolute best news sources for any topic! Our topics are carefully curated and constantly updated as we know the web moves fast so we try to as well.

Categories

  • Business
  • Health
  • Latest News
  • Lifestyle
  • Tech
  • Travel

Recent Posts

  • Winner of $1 million jackpot to be chosen at Ripley Queen of Hearts drawing
  • Cabdiraxmaan Cabdullaahi Jinac oo maanta lavatory doortay duqa cusub ee degmada Boosaaso – Puntland Submit
  • PM Hamza Emphasizes Function of Analysis and Technique in Nation-Constructing at East African Scientific Convention – Somali Nationwide Information Company
  • Home
  • About Us
  • Contact Us
  • Disclaimer
  • Privacy Policy
  • Terms & Conditions

Copyright © 2023 Ohhornnews.com | All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Latest News
  • Business
  • Health
  • Tech
  • Travel
  • Lifestyle
  • Shop

Copyright © 2023 Ohhornnews.com | All Rights Reserved.