Koox burcad-badeed Soomaali ah oo shalay qabsaday markab ganacsi ayaa maanta isaga degay markabkaas, kaddib markii shaqaalihii saarnaa ay kaga dhuunteen qolka badbaadada oo ah meel ammaan ah oo lavatory isticmaalo ilaalinta iyo badqabka marka ay jiraan xaalado degdeg ah ama khataro ay ka mid yihiin burcad-badeednimada.
Burcad-badeeda oo ay ku adkaatay in ay la wareegaan maamulka markabka, uuna ku soo dhawaaday markab Isbaanish ah oo ka tirsan hawlgalka Atalanta ee Midowga Yurub ayaa saacado badan kaddib go’aansaday in ay ka degaan.
Markabka Hellas Aphrodite oo shidaal ka soo qaaday Hindiya kuna sii jeeday Koonfur Afrika ayaa waxaa saarnaa 24 shaqaale ah oo hadda dhammaantood badqaba.
Markabka Hellas Aphrodite oo ku gooshayay calanka Malta ayaa burcad-badeeda Soomaalida ah qabsadeen xilli uu marayay meel ka baxsan xeebaha badweynta Hindiya ee Soomaaliya.
PUNTLAND POST










