Muqdisho (Wararka PP) — Xildhibaannada iyo senatarrada maamulka Somaliland uga mid ah hay’adha federaalka ayaa soo jeediyay in khilaafka siyaasaeed u dhexeeye Muqdisho iyo Hargeysa lagu soo afjari karo wadahadal Waqooyi iyo Koofur dhexmara. Waxay ku eedeeyeen dowladihii federaalka isku xigxigay inay ka soo bixi waayeen ballaanqaadyadii ay la galeen maamulka Somaliland.
“Waxaannu aamminsannahay in danta Soomaalidu ku jirto wadajir” ayuu yiri afhayeen ku hadlay magaca xildhibaannada iyo senetarrada maamulka Somaliland oo ku sugan Muqdisho.
Warar ka imanaya Hargeysa ayaa sheegaya in maamulka Somaliland uu diyaar u yaay wadahal Waqooyi iyo Koonfur ah si oo u meelmarsado aqoosiga sharcidarrada ah ay Yuhuuddu siisay maamulka goosasho-doonka ah.
Waxay kale oo xildhibaannada iyo senetarradu ku baaqeen in laga garaabo dhibaatadii dadka Soomaaliyeed ka soo gaartay dagaalladii sokeeye ee dhacay 1988-1991, kaddib markii ururkii SNM uu weerar ku soo qaaday Burco iyo Hargeysa.
Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlibiyad leh uga hor yimid go’aanka Benjamin Natenyagi Somailand ugu aqoonsaday dal ka go’ay Soomaaliya. Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ayaa Netenyahu ku eedeysay inuu galay dambiyo dagaal muddada ay socdeen weerarrada Yuhuuddu ku qaadday Gaza oo ka mid ah dalka Falastiin.
© Puntland Submit, 2025










