MUQDISHO – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka, ayaa fashiliyey weerar ay Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka difaaca iyo ka-hortagga ah ayaa lagu dilay hogaamiyihii kooxda weerarka soo qaaday, sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda difaaca dalka.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu xaqiijinayaa in amniga deegaanka Wargaadhi si buuxda gacanta ugu jiro ciidamada, isla markaana uusan jirin wax khatar amni ah oo hadda taagan.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale adkeynayaan ballanqaadka go’an ee ciribtirka Al-Shabaab, iyagoo uga digaya in fal kasta oo ay ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan amniga shacabka lagu wajihi doono jawaab adag oo degdeg ah.











